Wasarada arimaha dibada Somalia oo ka hadashay dacwada Badda Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Somalia ayaa lagaga hadlay dacwada Badda ee magaalada Hague uga socota wadamada Somalia iyo Kenya.

Qoraalkaan oo soo baxay soo jeedinta dowlada Somalia ee dacwadaan maanta ay dhageysaneyso Maxkamadda Caalamiga ah  ee Magaalada Heague, Dalka Netherlands, ayaa lagu sheegey in dowlada waydiisan doonto ineysan maxkamadu ogolaan diidamada hordhaca ah ee dowlada Kenya.

Dowlada Kenya ayaa maalintii shaley sheegtey in arinkaan maxkamad aan la gayn karin madaama labada dowladood horey uga heshiisyeen in wadahadal lagu dhameeyo khilaafkaan.

Khilaafkaan ayaa saameyn ku yeeshay siyaasiyiin u sharaxan xilka madaxweynaha Somalia kuwaasoo heshiiskaan dowlada Kenya sheegeyso la saxiixdey.

Warsaxafadeedka wasarada arimaha dibada kasoo baxay ayaa u qornaa sidatan.

Todabaadkaan oo billaabanaya 19-ka September 2016, Dowladda Soomaaliya waxaa ay soo-jeedin afka ah ka samayn doontaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (“Maxkamadda”)

ee Magaalada Heague, Dalka Netherlands, taasoo qeyb ka ah diidmada hordhaca ah ee 7-dii October 2015 ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), ee ka dhanka ah kiiska calaamadaynta soohdinta badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (“Dowladda Soomaaliya”) u gudbisay Maxkamadda 28-kii August 2014.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay weydiisan doontaa in ay Maxkamaddu diidmada hordhaca ah ee Dowladda Kenya ay go’aamiso in ay tahay waxba kama jiraan aan qiil haysan. Dowladda Soomaaliya ma rumaysna in Is-afgaradka 7-dii April 2009 dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya uu sal u noqon karo hannaan lagu xalin karo khilaaf, iskaba daa in uu noqdo habka kaliya ee khilaaf lagu xalin karo. Sidaa darteed, Dowladda Soomaaliya ma aragto wax caqabad ah oo Maxkamadda u diidaya in ay qaaddo dacwaddaan. Dowladda Soomaaliya waxay aad ugu kalsoon tahay sharciyadda kiis-keeda, waxayna Maxkamadda uga fadhidaa go’aan xaq iyo cadaalad ku dhisan.

Labadaba Shacab ee Soomaaliya iyo Kenya waxa ay wadaagaan xiriir dhaqan iyo mid taariikheed oo qoto dheer oo meesha aanu ka saari karin khilaaf soo kala dhex gala. Xaqiiqadu waxa ay tahay in aayaha shucuubta Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid isku xiran. Sidaa darteed Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii waddo in ay wadashaqeyn dhow la lahaato walaalaheeda Kenya si looga wada shaqeeyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee labadda Dal iyo Gobolkaba.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM