Wasiir Cawad oo ka hadlay amniga sii xumaanaya ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda xukuumada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa magaaladda Jabuuti ee caasimada dalkaasi uga qeybgalay shirka wasiirada ee Urur Goboleedka IGAD.

Shirkaasi oo ay kasoo qaybgaleen inta badan wasiirada dalalka ururkaasi ku mideysan marka laga reebo Kenya ayaa looga hadlay xaalada gobolka iyo deeq lacageed oo ka timid wadanka Jarmalka.

Cawad oo gabagabada kulanka uga warbixiyey wariyaasha ayaa sheegay in aanan lagu soo hadal-qaadin khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo salka ku haya muran dhul badeed.

"Shirka laguma soo hadal-qaadin khilaafka nagala dhaxeeya Kenya, mana aysan kasoo qeybgelin," ayuu wasiirku ku jawaabay markii la su'aalay in IGAD ay dhex-dhexaadin karto labada dal.

Kenya ayaa u yeeratay danrjiheeda u fadhiya Muqdisho, iyada oo safiirkii Soomaaliya ee Nairobi u soo dirtay wadahadal uu la yeesho dowladiisa, isla markaana uu u keeno maclumaadka ay dooneyso.

Dhanka kale, wasiir Cawad ayaa wax laga waydiiyay amniga darada kusoo korodhay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo ay Al-Shabaab geysatay.

Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre oo kamid ahaa Aqalka Shacabka ee Baarlamaanka 10aad ee dalka ayaa kamid ah shaqsiyaadka gacanta Shabaab ku baxay, oo uu wasiir Cawad ka tacsiiyey.

"Waxaan rumeysanahay taasi cak-sideeda oo ah in uu soo fiicnaanayo," ayuu ku jawaabay markii nabad-gelyo xumada Muqdisho wax laga waydiiyay, isaga oo u muuqda mid iska indha tiraya xaqiiqada jirta.

Taliska Booliska ayaa sheegay in falka lagu khaarijiyay Marxuum Boqorre loosoo qabtay labo qof, kuwaasi oo laamaha amaanka ay baaris ku wadaan, isla markaana maxkamad lasoo taagayo dhowaan.

"Markii ay ku guuldareysteen in ay sameeyaan wixii ay sameyn jireen oo ah qaraxyo ayey bilaabeen in ay dadka muhiimka ay beegsadaan," wasiirku raaciyay isaga oo la hadlayey laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da.

Mas'uuliyiintii ugu dambeysay ee lagu toogtay magaala madaxda Soomaaliya waxaa kamid ah Xeer-ilaaliye ku xigeenka qaranka, kaasi oo dilkiisa aanan jirin illaa iyo haatan cid loosoo qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM