Wasiir Juxa “Qorshahayagu waxa weeye in la hishiiyo”

Image

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ka hadlay dadaalkooda ku aadan hishiis la dhex dhigo maamullada is-khilaafsan ee kataliya gobollada dhexe.

Juxa oo waraysi gaar ah siinayay Idaacadda Radio Garowe, ayaa tilmaamay inay u yimaadeen magaalada Cadaado sidii la isugu soo dhaweyn lahaa labadaas maamul iyo dadka dega gobollada dhexe islamarkaana loo hirgalin lahaa dalabkii Ra’isal wasaare Khayre ee ku aadanayd in dib loo dhigo doorashada Galmudug.

Wasiirka ayaa xusay inay haystaan muddo laba Asbuuc ah in lagusoo afmeero mugdiga siyaasadeed ee ka jira gobollada dhexe, maadama sida uu hadalka u dhigay labada maamul diyaar u yihiin wada hadal.

Wuxuu sheegay in muhiimadda koowad ee ka leeyihiin kulamadoodu ay tahay in la hishiiyo islamarkaana maamul kasta uu miiska soo saaro tabashadiisa si loo xalliyo islaamrkaana miiska wada hadalka lagu dhammeeyo dhammaan arrimaha jira.

“Anagu qorsha gaar ah oo aan wadanaa ma jiraan aan ka ahayn in lawada hadlo, la hishiiyo nabadna laga dhaliyo deegaanadaas oo ay jiraan colaado iyo khilaaf siyaasadeed,” ayuu yiri mudane Juxa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Somalia, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhammeeyo muranka mudada soo jiray, wuxuuse xusay hadii lagu guulaysan waayo in xal laga gaaro arrimahan in doorashadu dhici doonto waqtiga la asteeyay, wixii ka dambeeyana la gali doono sidii xal loogu radin lahaa waxyaabaha jira.

Dhan kale wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa baaq u diray beesha Caalamka oo ka codsaday in deeqaha gurmadka abaaraha la dadejiyo islamarkaana si toos ah loo geeyo meelaha baahiyo ka jiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM