Wasiir ka caroodey su'aallo laga waydiiyey kulan uu la yeeshay Khayre

Image

COPENHAGEN, Denmark – Wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark, oo 6-dii November, Muqdisho lagu soo dhaweeyay, ayaa ka carooday su'aal ay saxaafada dalkiisa ka waydiisay kulankii ra'iisul wasaaraha Somaaliya.

Xasan Cali Khayre iyo Jeppe Kofod ayaa ku kulmay xafiis ku yaala madaarka diyaaradaha Aadan Cadde, sababo ku aadan waqtiga oo koobnaa iyo isku haleyn amni oo aan jirin, sidda laga soo xigtay warbaahinta Denmark.

Xafiiska Khayre ayaa shaaciyey in dhinacyadda ay isla meel-dhigeen in xukuumadda Copenhagen ay Soomaaliya ka caawiso dib u habeynta iyo horumarka dhaqaale si lamid ah xasiloonida iyo dagaalka argagixisadda.

Kofod oo shir jaraa'id qabtay kadib kulan uu la qaatay dhigiisa dalka Jarmalka, Heiko Mass, waxaa su'aallo laga waydiiyey is-aragii madaxda Soomaaliya gaar ahaan Khayre

Sidda ay qortay saxaafadda, Jeppe Kofod ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in Khayre uu u balanqaaday taageero badan oo malaayiin Doollar-ka Mareykanka ah ah.

Mid kamid ah wariyeyaashii kulan warbaahineedkaas kasoo qeybgalay ayaa hordhigay wasiir su'aal dulucdeedu ahayd "faa'iidada ugu jirta Denmark marka ay malaayiin Doollar-ka Mareykanka ah siiso Soomaaliya".

Isaga oo u muuqda mid "aad uga carooday," Jeppe Kofod ayaa ku jawaabay: "Waxaan uga qeybqaadaneynaa xasiloonida Soomaaliya. Mawduuca faa'iidada ma ahan shaqadeyda in aan ka hadlo. Ma ahan haa".

Inkasta oo cadadka guud daaha looga qaadey, war-saxaafadeedka laga soo saarey socdaalka wasiirka, laguma fahfaahin waxa ay Denmark ku bedelayso lacagta.

"Wasiir Arrima Dibadeed ahaan, waxaan xaqiijin karaa in ay naga go'an tahay in dadka aan u abuurno jawi nabadeed iyo in aan ka difaacno Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee qalalaasaha wadda," ayuu hadalkiisu ku daray.

Saxafiga oo sii hadlaya ayaa u daray: "Waxaad leedahay shaqadeyda ma ahan in aan ka hadlo, balse waad tagtay adigoo mas'uul sarre ah waxaadna bixisay malaayiin Doollar. Miyey jiraan is-dhaafsi gudaha ah?

Wasiirka ayaa ku jawaabay: "Mashruuca aan ka hadlayo waa xasilinta iyo tababarida hay'addaha dowliga ee Soomaaliya, in aan ka caawino la dagaalanka shufta badeeda, iyo fulinta [danaheena] gudaha Soomaaliya".

Denmark ayaa kamid ah dalalka aadka u soo dhaweeyay muhaajiriinta Soomaaliyeed. Sanadkii 2017-ii, dib u dejin loo sameeyay 1,100 qaxooti ah waxaa Soomaali ka ahaa 212, wallow 28 kamid ah lasoo musaafuriyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM