Wasiir ka tirsanaa xukuumaddii Khayre oo sharaxay sababta loo eryay

Image

NAIROBI, Kenya – Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, wasiirkii waxbarashadda Soomaaliya oo kamid ah xubnihii lasoo shaqeeyay Xasan Cali Khayre, ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyey waxyaabihii keenay in xilka laga qaado.

Mr Cusmaan oo u waramay barnaamijka Gorfeynta ee ka baxa telefishinka RTN Somali ayaa aaminsan in eriyidiisa ay xukuumadda isaga dejineysay cadaadis siyaasadeed, wallow uu tafaasiil dheeriya bixin.

"Sababaha way badnaan karaan mid iyo laba in ay ka badan yihiin ayaa suurtagal ah, laakiin caadiyan dadka sidda shaqada loo ceyriyo waxa weye; kow in qofka shaqada gudan waayo oo howshii loo idmaday uu ka bixiyo waayo, laba waxaa imaan karta cadaadis siyaasadeed oo qofka ama dowladda soo fulaayo si booskaas loo qaado iyo waxyaabo kale oo badan; laga yaabee midkood ama labadooda in ay tahay, laakiin aniga waxay ila tahay marka ugu dambeysa sababaa jirto, sababta ugu yarna inta uu cadaadis siyaasadeed yimaado qofka wasiirka ah booskiisa la rabo oo nin kale loo rabo, waa intaas," ayuu yiri, isagoo si degan uga jawaabay su'aasha uu hor-dhigay wariyaha.

Ceyrinta Cusmaan ayaa timid kadib markii uu sheegay in dowladda aysan aqoonsaneyn Jamaacadaha dalka ku yaala, arrintaas oo ay ka dhasheen banaanbaxyo rabashado wata oo Muqdisho ruxay.

Bishii July sanadkii 2018-kii ayaa laga xayuubiyey xilkaas, iyaddoo bishii August ee isla sanadkaas loo magacaabay jagadaas Cabdullaahi Goodax Barre, oo sidoo kale ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in magacaabida Goodax Barre ay xukuumadda isaga dabcineysay cadaadis kaga imaanayey baarlamaanka isla markaana ay ku xoojineysay xubnaha ay ku leedahay Aqalka Hoose.

Isagoo cuskanaya mar-xalada dalku ku jiro, Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ku adkeystay mowqifkii uu horey uga qaatay jamaacadaha, wallow uu u rajeeyay isbedel kuna baaqay in la tayeeyo.

Khayre ayaa hadda ah baaga-muundo kadib markii 25-kii bishii hore ee July sanadkan 2020 uu kalsoonida kala laabtey Golaha Shacabka, wallow talaabadaas ay maamulada iyo siyaasiyiinta ku qeexeen "sharci darro".

Dhanka kale, Cusmaan ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka ah ay go'aanadda qaarkood ku gaaraan si deg-deg ah "iyagoo xeerinaya dano shaqsiyadeed oo ay xeerinayaan saaxiibadooda gaarka".

Siyaasiga ayaa ka gaabsaday in uu caddeeyo hadii ceyrintiisa si rasmi ah loogu soo wargeliyey ama in uu kaliya arkay warqadda. "Xilka ka qaadista iyo magacaabidaa muhiim ah, inta kale macno malahan," ayuu xusay.

Mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsanaa dowladda uu majaraha u hayo Farmaajo ayaa horey uga dhawaajiyey in aan lagu wargelin xil ka qaadista, arrintaas oo dad badan ay dhaliileen kuna sifeeyeen "dhaqan aan fiicneyn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM