Wasiir kamid ah Xukuumada Khayre oo la isku dayay in la xiro [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa saaka isku dayay inay xabsiga dhigaan mid kamid ah Wasiiradda Xukuumadda Khayre kadib markii sida la sheegay lagu soo eedeeyay Musuq-maasuq.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa tagey Xafaiiska Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka, Mukhtaar Mahad Daa'uud iyagoo wata warqad Maxkamad kasoo baxday oo lagu soo xirayo.

Xiisad xoogan ayaa ka dhalatay xariga Wasiirka, kadib markii Ciidamada Wasaaradda ay is hortaag ku sameeyeen Booliska lasoo amray inay soo xiraan Wasiir ku xigeenka, kaasoo la sheegay in loo haysto arrimo musuq-maasuq ah.

Wararka ayaa sheegay in xariga Wasiirka ay ka dambeysay markii khilaaf uu soo kala dhex-galay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda Xukuumadda, sida dad ku dhaw Xafiiska Khayre u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay inuu is-hortaagey in dakhliga soo gala Wasaaradda arrimaha dibadda lagu wareejiyo Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Waa mas'uulkii labaad oo tan iyo bishii lasoo dhaafay lagu soo eedeeyo musuq-maasuq, iyadoo uu ugu dambeeyay Agaasiimiha Waaxda dib u dejinta Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka la xiray markii uu lunsaday $84,000.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM