Wasiir: Tobban jirka Al-Shabaab waa dilaa, mana iska qaban karno

Image

JOWHAR, HirShabelle – Maamul goboleedka HirShabelle oo "gacan kaga taagtay" inuu xidaha u siibo Al-Shabaab ayaa dalbaday gurmad kaga yimaada Dowlada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka.

Maxamed Cali Caadle, wasiirka arrimaha gudaha maamulka madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ayaa hadalkaas ka dhawaajiyay.

Mr Caadle ayaa ku andacoodey in degaanadooda ay soo galeen Shabaabkii laga soo racdeeyay deriskooda Koonfur Galbeed, si gaar ah gobolka Shabeellaha Hoose, oo howlgalo ay ka socdaan.

Isagoo ka hadlay shir looga arrinsaday xaalada ammaan ee HirShabelle, wasiirka oo carabka ku adkeeyay in khatarta Al-Shabaab ay si xun u saameysay ayaa yiri "tobban jirkooda dad buu dilayaa".

Wasiirka ayaa hoos u dhigay in maamulkooda uu qaadayo mas'uuliyadda weerarada jidgalka ah ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku beegsato mas'uuliyiinta iyo ciidamadda.

Falalka ugu badan ayaa ka dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, waxaana Xildhibaanada federaalka ay ku eedeeyaan maamulka Waare in uu ka gaabiyey wax ka qabashada amniga.

"Dadka qaarkiis waxay is-leeyihiin markii dowladda HirShabelle la dhisaayey jidka waa furnaa, madaxweynahaa mari jiray oo lug ku tagi jiray oo kusoo noqon jiray siddey ku dhici kartaa jidka, muxuu u xiran yahay? Ma ahan dedaal yari dhankeena ah laakiin waxaad og-tihiin cadowga waa baahsanaa Shabeellaha Hoose ayuu ku jiray, caradaas oo dhan ayaa buuxdey wixii Shabeellaha Hoose laga soo bixiyey dhamaantood way soo guureen annaga ayay nasoo dul-dageen, annaguna awood aan ku kicino waan weynay," ayuu xusay.

Gurmad bini'aadanimo oo la gaarsiiyo degaanada ay dhibaatada ka jirto ayuu ku nuux-nuuxsaday in ay caqabad ku noqotay Al-Shabaab.

"Waan ku faraxsanahay in farta lagu wada fiiqo culeyska jira oo annagu aanan ku fileyn cadowga jidka haysto oo jinka ah sidda uu sheegay Xildhibaan Shiiraar…oo midka uu tobbanka sano jira uu ku dilaayo, waxaana rabnaa in wax laga qabto," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa wasiir Maxamed Cali Caadle.

Degaanada HirShabelle ayaa la aaminsan yahay in ay gabaad u noqdeen maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gobolada kale laga soo saarey, sababta ugu weyna ay tahay in ay ku yar yihiin duqeynta cirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM