Wasiir Xoosh oo qarka u saaran in Barlamanka Somalia kalsoonida kala noqdo

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Dastuurka dowlada Federaalka Somalia Cabdiraxman Xoosh Jibriil oo qorshuhu ahaa in 30/07/2017 hortago aqalka Barlamanka DFS si su'aalo loo waydiiyo ayaa ka baaqsadey kadib markii uu sheegtey arimo caafimaad.

Wasiirka Dastuurka ayaa qoraal uu arinkaas ku codsanayo u gudbiyey Gudoonka Barlamanka isagoo dalbadey in la siiyo muddo gaareysa ilaa 11 bisha August. Qaar ka tirsan xildhibaanada Barlamanka Federaalka ah ayaa diidey dalabka Wasiirka iyagoo gudoonka ka dalbey in dib u eegis lagu sameeyo xilka Cabdiraxman Xoosh ka hayo Wasaarada madaama uu diidey hor-imaanshaha aqalka wakilada.

Dood kadib Gudoonka Barlamanka ayaa cod galiyey dib u eegis lagu sameeyo xilka Wasiirka Dastuurka ka hayo Wasaarada iyadoo 88 xildhibaan u codeysay in dib loo eego halka 77 Mudane diidey kuwasoo sheegayey in Wasiirka waqti la siiyo.

Gudoonka Barlamanka Dowlada Federaalka ayaa ku dhawaaqey in gudiga joogtada ee aqalka wakiilada dib u eegayo xil haynta wasiirka.

Wasiirka Dasturka dowlada Federaalka oo tageero ka haysta gudomiyaha aqalka wakiilada Jawaari ayaa bilihii lasoo dhaafey olole uu ku doonayo in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka KMG ah ka bilaabey guud ahaan dalka taasoo ka careysiisey xildhibaanada labada aqal ee Barlamanka Federaalka Somalia. 

Xoosh oo lagu eedeeyey inuu ka boodey qodobo Dastuuri ah kuwasoo qeexaya qaabka loo marayo dib u eegista Dastuurka KMG ayaa gabi ahaanka meesha ka saarey doorka guddiyada joogtada ee Barlamanka, guddiga madaxa banaan ee dib eegista Dastuurka iyo maamulada dalka ka jira.

Wasiirka Dasturka ayaa dadka la socda qorshihiisa ku aadan dib eegista Dastuurka KMG ee Somalia ayaa sheegaya in salka ku hayo arimo dhaqaale iyadoo la sheegey in barnaamijkaan ( Master Plan) mashaariic lagu waydiistey wadamada deeqda bixiya  kuwasoo ay kamid tahay Wadanka Norway.

Dhowaan ayey aheyd markii wasiirka Dastuurka Dowlada Federalka iyo gudoomiyaha Barlamanka booqasho ku tageen Wadanka Norway.

Madaxda sare ee dowlada Federaalka qaarkood ayaa haysta dhalashada Wadanka Norway waxaana kamid ah Ra'isal wasare Khayre iyo gudoomiye Jawaari.

Norway oo kamid ah wadamada ugu qanisan aduunka ayaa ku lug leh arimo badan ee Somalia iyo geeska Africa kuwasoo kamid yihiin barista shidalaka iyo shirkadaha ka shaqeeya kuwasoo khilaafka xiduudka hadda ka dhex abuurey wadanka Somalia iyo Kenya.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM