Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay sharci saameynaya ganacsatada

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu ansixiyay Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay sharcigaan oo ay usoo gudbisay wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga xukuumada federaalka ah.

Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo laga soo aruuriyay sharciyadii iyo xeerarkii dalka ee tayo-dhowrka dalka, horumarinna lagu sameeyay ayaa la gaarsiiyay habka caalamiga ah ee tayo-dhawrka.

Ujeedada sharciga ayaa ah in horumarin lagu sameeyo siyaasadda Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka qaranka, in la dhowro xeer nidaaminta tayada lagu maamulo tayada badeecada iyo adeegyada, in uu ilaaliyo bad-qabka bulshada iyo in lagu dhiso hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Meel-marinta xeerkaan ayaa kusoo aadaya iyada oo qaybo kamida wadanka ay soo galaan badeecado aan tayo lahayn, kuwaasi oo laga keeno dibada gaar ahaan dalalka dariska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM