Wasiirka amniga oo "ku dhaawacmay" weerarka Villa Rossa

Image
Fahfaahin horudhac ah ayaa waxay sheegaysaa in Doodishe uu "ka jabay" hal lug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka Maxamed Axmed Cali Doodishe ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay weerarka Al-Shabaab ku qaadey Hotel-ka Villa Rossa ee magaaladda Muqdisho.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in Doodishe uu "ka jabay" hal lug. Warbixino kale waxay tibaaxayaan in ay jiraan mas'uuliyiin kale oo wax ku noqdey qaar kalana laga soo badbaadiyey goobta.

"Wasiirka xaaladiisu waa wanaagsan tahay hadda. Waxaa lagu daaweynayaa mid kamid ah isbitaaladda Muqdisho," ayuu yiri sarkaal amni oo codsadey in aan magaciisa la sheegin sababo ku aadan xaalada lagu jiro.

Maleyshiyadda Al-Shabaab oo si degdeg ah ku sheegatay mas'uuliyadda falkan ayaa tibaaxdey in qaraxa koowaad uu ahaa is-miidaamiyo uu fuliyey naftii-halige saarnaa baabuur laga soo buuxiye walxo qarxa.

"Wasiirka wuxuu dhaawaciisu yimid kadib markii uu darbi kasoo boodey," ayuu raaciyey sarkaalka. "Lugta ayaa u naxdey sidaas ayuuna dhaawaciisu ku yimid. Xaaladiisu sidda kale way ka fiican tahay".

Qarax labaad oo isagana loo maleynayo is-miidaamin uu fuliyey naftii-halige kale ayaa ka dhacay isla goobta. Illaa haatan si dhab ah looma ogga tiradda rasmiga ah ee waxyeeladda guud ahaan.

"Dad badan oo shacab ah iyo mas'uuliyiin ayaa laga soo badbaadiyey goobta ay wax ka dhaceen," ayuu yiri afhayeenka booliska, Sadiiq Doodishe, oo la hadlay saxaafadda ku hadasha afka dowladda.

Weerarka loogu daatay Villa Rossa ee Muqdisho ayaa duulaankii saddexaad oo toos ah oo dabley Shabaab ah ay ku galaan Hotel tan iyo markii la doortey hogaanka cusub ee dowladda Soomaaliya bishii May, 15, sanadkan 2022.

Dhacdan waxaa ka horeeyay Hotel Xayaat oo dabley Al-Shabaab ay muddo saacado ah ka dhex-dagaalameen August, 19, 2022 iyo Hotel Tawakal ee Kismaayo oo la beegsadey October, 23, 2022.

Villa Reys oo ah hotel iyo maqaayad ayaa hoy u ahayd mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka gaar ahaan Wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal ah waxaana ay ku dhow-dahay xabsiga sidda weyn loo ilaaliyo ee Godka Jilacow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo martiqaad u fidiyey madaxweynaha Tanzania

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Samia Suluhu ay aqbashay casuumaada madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:09AM

Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

  • Soomaliya

    27-04-2024

  • 08:29AM