Wasiir Islow oo xilalkii ka qaadey Taliyaal [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow "Ducaalle", ayaa maanta xilalkii ka qaadey Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida degmada Xamarweyne.

Taliyaashan ayaa xilka looga qaadey inay soo qaban waayeen ragii dilay 27kii Bishii hore loogu geestay Degmada Wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururka haweenka Qaranka iyo sidoo kale xoghayihii Ururkaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyay in xabsiga la dhigay 12 Askari, oo ku sugnayd Baro Koontarool oo ku dhaw goobta dilka uu ka dhacay, oo ku taalla degmada Xamarweyne, ee gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa todobaadkii tagey sheegay inuu xilalkooda ay ku weyn doonaan Taliyaasha degmada uu weerarka ka dhacay ama isaga is-casili doono, hadii aan lasoo qaban kuwa dilalka gaystay.

Xilka qaadistan ayaa kusoo beegmaysa, xilli uu Wasiirka Amniga kasoo muuqday Liiska Wasiirro dhowr ah, oo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado, isagoo isku shaandheyn ku sameynayo Gollahiisa Wasiirada.

Warsidaha Garowe Online ayaa 28-kii September soo bandhigay Macluumaad hoose, oo muujinaysa Wasiirada Ra'iisul Wasaare Khayre Miiska uu saaran inuu xilka qaadis ku sameeyo. Halkan ka akhri Warbixinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM