Wasiirka Amniga Soomaaliya oo ka hadlay dil ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in laamaha amaanka ay Muqdisho ku toogteen Axadda maanta ah xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Toogashadda ayuu tilmaamay inay timid markii uu ninka la toogtey ku dilay Askari ka tirsan Milatariga Soomaaliya Isgoyska Suuq Bacaad ee degmadda Yaaqshiid, isagoo kadibna isku dayay inuu ka baxsado goobta uu ku geystay dilka, siduu hadalka u dhigay.

"Laamaha amaanka waxaa usuura-gashay inay toogtaan Dhagar-qabe Al-Shabaab ka tirsan kaasoo dilay Askari ka tirsan Milatariga dalka. Waxaana xoojin doonaa howlgalada ka dhanka ah Shabaab si loo xaqiijiyo nabad-gelyadda," ayuu yiri Wasiirka.

Ma jirto illaa iyo haatan jawaab ay Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ka bixisay warka kasoo yeeray dowladda, iyo Askariga la sheegay inay ku khaarijiyeen maanta Isgoyska Suuq Bacaad ee Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Maalmihii udambeeyay falalka liddi ku ah oo ay geysanayaa kooxaha Khal-khal gelinaya amaanka ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa kordhayay, inkasta oo Hay'addaha nabad-gelyadda ay ku howlan yihiin sidii ay uxakamayn lahaayeen falalkaas.

Hadalka Wasiirka Amniga ayaa kusoo beegmaya xili dhowaan amaanka Magaalada caasimada ah ee Muqdisho lagu wareejiyay Booliska, islamarkaana la faray ciidamadda kale inay isaga baxaan guud ahaan Magaalo madaxda dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM