Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo dib ugu soo noqdey Baraha Bulshada

Image

MUQDISHO, Somalia - Wasiirka arimaha dibada dowlada Federaalka Somaliya oo kamid ah siyaasiyiinta sida joogtada ah u isticmaala Baraha bulshada sida Facebook ayaa dib qoraladiisa sida gaarka ah uu isaga hadli jirey u soo celiyey kadib markii in muddo ah ka baaqsadey soo bandhigooda.

Yusuf Garaad Cumar ayaa qoraalkiisa ugu dambeeyey soo daabacey 16 September, 2017 kasoo uu kaga hadlayo safar uu ugu ambabaxey dalka Mareykanka kasoo uu sheegey in gogol dhig u yahay booqashada Ra'isal wasaare Khayre ku tagi doono New York maalinta Isniinta 18 Sept, 2017.

" Shalay subax oo aan Muqdisho ka soo amba baxay ka dib waxaan goor dhoweyd ka soo degey New York.  Shirar isdaba joog ah ayaan midka ugu horreeya fariisan doonaa berri subax oo Axad ah. Daalka saacadaha badan ee safarka ah waxaa ii wehliya in aan ku safray kuraasta ugu qiima jaban dayaaradda ee aan lahayn meel bannaan oo lugaha lagu fidsado, jiifna warkiiba daa", ayuu yiri  Wasiirka arimaha dibada isaga oo ka hadlaya safarka uu ku tagey New York malainamadii Sabatida.

Wasiirka ayaa hadaad eegtid bartiisa Facebook waxaa qoraal uu soo qoro ugu dambeysay 25 August, 2017 Marka laga reebo labo qoraal oo ku taariikhaysan 14 Sept iyo 1 September kuwasoo kala ahaa mid uu kaga hadlayo kulan uu la qaatey Wasiirka qorsheynta dowlada Federaalka iyo maqaal uu ku difaacayo codsi Dowlada Mareykanka uu u qorey kasoo saxafada si aan toos aheyn ku heshay.

Ra'isal wasaraha Somaliya oo amar uu kaga mamnuucayo Wasiiaradiisa Baraha bulshada  26 August, 2017 Halkaan ka akhri ayaa yimid kadib markii Wasiirka arimaha dibada isagoo safar ku jira arimo khuseeya wasraada amniga kaga hadlay bartiisa Facebook tasoo jahawareer ku abuurtey shacabka halka dowlada Federaalka kala kulantey wajigabax.

Mudane Garaad ayaa horey ugaga tirsanaan jirey bahda saxaafada isagoo kamid ahaa shaqaalaha laaanta Af-Somaliga ee BbC-da.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM