Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo xilka la wareegay [DAAWO]

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdishu.

Waxaa kasoo qayb galay Ra’isal wasare ku-xigeenka xukuumadda iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda.

Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa oo xilkan soo hayay ayaa ku wareejiyay wasiir Juxa, isagoo ka waramay wax-qabadkii ay wasaaraddu ku tilaabsatay muddooyinkii dambe.

Odowaa ayaa sheegay inay qayb ka weyn ka qaadatay wasaaraddu sidii loo dhammaystiri lahaa nidaamka federaalka iyo xalinta khilaafyo kala duwan.

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdi Faarax Siciid ayaa khudbad kooban ka jeediyay xil-wareejinta ayaa sheegay inay hortaalo shaqo adag islamarkaana ay diiradda saari doonaan sidii shacabka loogu adeegi lahaa.

“Sharaf bay noo tahay inaan xafiiskan la wareegno, waxaana jecelnahay inaan shaqada halkaas kasii wadno, odoyaashii horena waxay noo noqonayaan marjac loo noqdo, waana wada-shaqayn doonaa, hade barasho wanaagsan,”Ayuu yir Wasiir Juxa.

Wuxuu xusay inay ku shaqayn doonaan niyad wanaagsa, hufnaan iyo isku tashi si meesha looga saaro xaaladda adag ee lagu jiro, isagoo carrabka ku dhuftay inuu qabyo yahay nidaamka Federaalka marka la eegayo xoogaysiinta maamul goboleedyada iyo dhammaystirka dib u hishiisiinta.

“Waxaan meesha la imaanaynaa niyad wanaag, wadashaqayn iyo isku tashi. Meelaha aan sida weyn aan muhiimadda u saari doono waa Abaaraha ka jira dalka, taasna waa mas’uuliyad ina wada saaran oo aan mudnaanta kowaad siino,” Ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.

Isu keeninta shacabka Somaliyeed iyo dib u hishiisiinta ayuu sheegay mudane Juxa inay muhiimadda gooni ah siin doonaan isagoo yiri, “Arrinta kale ee aan diiradda saari doono ayaa ah dib u hishiisiinta oo heerar kala duwan leh, haday ahaan lahayd heer bulsho, haday ahaan lahayd heer degmo, haday ahaan lahayd dowladda federaalka iyo maamullada dalka. Qaran ahaan hadaan dadku hishiin wax socon maayaan”.

Juxa ayaa xusay inaan maanta loo baahnayn colaad iyo quri isku fiiq, balse loo baahanyahay wax-qabad iyo nabad waarta.

“Afartan sano ayaa Quriga la isku fiiq-fiiqayay, hada inaynu hishiino oo horay u socono laga fursan maayo,arrintaasna niyadeeda ayaan la imaanaynaa, waxayna noo noqonaysaa muhiimad weyn oo aan xoogga saari doono,” Sidaas ayuu hadalkiisa raacshay wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia.

Xil-wareejinta juxa ayaa timid saddex maalin kadib markii golaha wasiirrada Somalia heleen  kalsoonida golaha shacabka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM