Wasiirka difaaca UK oo booqasho qarsoodi ah ku yimid Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Ingiriiska, Gavin Williamson ayaa shalay oo Talaado ahayd booqasho aan horey loo shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Gavin Williamson oo ay wehliyeen mas'uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda UK ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo, Wasiirka dhigiisa Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka, Cabdiwali Jaamac Xuseen (Gorod).

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, David Concar ayaa sheegay in Gavin Williamson iyo Wasiirka difaaca DF ay kawada hadleen dib u dhiska Ciidamo tayo iyo awood leh, oo hanan kara mas'uuliyadda amaanka dalka, oo hadda ku tiirsan AMISOM.

Gavin Williamson ayaa ugu hambalyeeyay Farmaajo natiijada wanaagsan ee ka soo baxday shirka Brussels ee arrimaha Soomaaliya wuxuna ku booriyay inuu sii wado dib-u-habeynta siyaasada, dhaqaalaha iyo amaanka.

UK waxay ku dhiirigelinaysa beesha caalamka iyo AMISOM inay Soomaaliya garab istaagaan, si ay uga soo kabato colaaddii aafeysay 25-kii sano ee lasoo dhaafay, islamarkaana mar kale dib cagaheeda isagu soo taagi lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM