Wasiiro heer maamul ah oo lagu "aflagaadeeyey" garoonka Muqdisho

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Wasiirka Qorsheynta Jubbaland ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu shaaciyey in qaar kamid ah wasiirada maamul goboleedyadda dalka ka jira "lagu aflagaadeeyay" garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo warkaan ku sheegay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa waxa uu xusay in arrintani ay si gaar ah uga dhacday qeybta soo dhaweynta gaarka ah [VIP] ee madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Mr Aw Xirsi ayaa ku tartarsiiyey hogaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumada federaalka ah in ay wax ka badasho siyaasadeeda ku wajahan waaxda VIP-ga ee garoonka magaala madaxda dalka Geeska Afrika dhaca.

Wasiirka Iskaashiga Caalamka ee maamulka Axmed Madoobe ma uusan kala caddeyn hadii dhacdada loogu xad-gudbay wasiirada heer dowlad goboleed ay ku lug-leeyihiin howladeenada wasaarada arrimaha dibadda.

Isaga soo ii hadlaya ayaa waxa uu intaasi raaciyey in hadii aysan wasaaradda waxba ka qaban "cabashadooda" aysan soo xaadiri doonin shirarka heer qaran ee caasimada waddanka lagu qabanayo.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda waa in ay dib u booqataa siyaasadeeda qeybta VIP-ga ee garoonka Muqdisho ama waa in ay iska ilowdaa in maamulada ay ka qaybgalaan shirarka heer qaran ee ka dhaca caasimada," ayuu yiri.

Wuxuu intaasi ku daray: "Aniga waxaan ogahay in tirro wasiiro ka tirsan dowladaha xubnaha ka federaalka kuwaasi oo wacad ku maray in aysan imaan doonin nooc kasta oo shir ah ee ka dhacaya Muqdisho ka gedaal markii ay garoonka kula kulmeen aflagaado. Aniga waxaan ka fekerayaa in aan gaaro gabagabo taasi lamid ah".

Hadalkan kasoo yeeray Aw Xirsi oo aysan wali ka jawaabin xukuumadda ayaa imaanaya xili cilaaqaadka u dhaxeeya maamulada qaar ee dalka ka jira si gaar ah Jubbaland iyo dowlada federaalka uusan hagaagsaneen.

Madaxtooyadda ayaa si weyn ugu mashquulsan farogelin xoogan oo ay ku sameyso doorashadda maamulani si ay daaqada uga saarto Axmed Madoobe oo xusul-duub ugu jira in uu daafacdo kursigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM