Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo isku gacan-qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda sii haayayaasha wasaaradda difaaca ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu waramay in ay isku dhex-feereen Shirkii maanta qabsoomay ee Golaha Wasiirada.

Xasan Cali Axmed [Amar-dambe], wasiirka wasaaradaas, iyo Maxamed Cali Xagaa, wasiiru dowlaha isla wasaaradda, ayaa la xaqiijiyey in gacan-qaadkooda uusan ka dhalan nabar xoogan.

Dhowr illo wareedyo oo warsidaha Garowe Online la xiriiriyey ayaa sheegay in gacan-qaadka uu ka horeeyay muran culus oo dhexmaray.

Hal hal illo wareed wuxuu xusay in dooda ku saabsaneyd arrimo shaqo; laba kale waxay ku tilmaameen soo bandhigida "qorshe", halka saddex kale ay tibaaxeen in ay salka ku haysay magacaabida xilal.

"Ma jirin cid kala dhex-gashay markii ay gacanta iskula tageen. Ku simaha ra'iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed goobjoog ayuu ka ahaa gacan ka hadalkaas. Tan iyo markii la eryay, Xasan Cali Khayre, shirka wuxuu lamid noqdey meel xilligii doono lasoo galo, xiligii la rabana laga baxo," ayay sheegeen afar illo wareed.

Warar kale ayaa sheegaya in hardanka Amar-dambe iyo Xagaa uu soo taxanaa bilooyinkii lasoo dhaafay isla markaana uu sii xumaadey markii Amar-dambe hor istaagay diblumaasi uu watay Xagaa.

Labadda mas'uul oo dhowr jeer xiriiro kala duwan lala sameeyay si wax looga waydiiyo qadiyadaan ayaanan la jawaabin telefoonadda.

Xogta ayaa waxay intaas ku dareysa in Amar-dambe uu ka baxay shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda kadib dhacdadaas.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaan oo kasoo baxay dhanka xafiiska ra'iisul wasaaraha oo qudhiisa aan ka jawaabin dalabyo badan.

Inta la og-yahay, waa markii ugu horeeyay oo fal noocaan ah uu ka dhaco gudaha Golaha Wasiiradda, waxaana ficiladaan ku caan-baxay baarlamaanka. Hase ahaatee, waa caado marka la gaaro dhamaadka muddo xileedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM