Wasiiro lagu darayo xukuumada cusub ee dowlada Federaalka

Image

MUQDISHO, Jan 30, 2015 [GO]- Wararka warsidaha GO ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra'isal wasaaraha Somalia iyo Madaxweyne Xasan Shiikh qorsheynayaan in xukuumada cusub lagu kordhiyo shan wasiir oo kale.

Lama oga xiliga magcabaistaan dhaceyso  balse waxaa soo baxaya warar xusaya in xildhibanada aqalka golaha shacabka Dowlada Federalka ka biyo diidan yihiin iney codka kalsoonida ah siiyaan xukuumad kala dhiman.

Xildhibanaada Barlamanka dowlada Federaalka oo kulamo isdaba-joog ah lahaa maamlmihii lasoo dhaafey ayaa aaminsan in markey ansaxiyaan xukuumadan cusub, Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaruha wasiirada dhiman ka soo daba-tuuri doonaan soona magacaabayaan shaqsiyaad ay horey xildhibaanadu u diideen.

Waxaa jira dhinaca kale cabashooyin ka soo baxaya qabaa'ilka ka tirsan hab qaybsiga horey u ahaa 4.5 balse Madaxweyne Xasan Shiikh hadda ka dhigey 5 kuwasoo diidan magacaabista cusub kadib markii si aan misaaneyn u dhacdey.

Golaha wasiirada ee cusub ayaa waxaa ka maqan qabaa'il xildhibaano ku leh Barlamanka kuwasoo qayb ka ah kudladaha diidan ansaxinta xukuumada cusub.

Dhinaca kale waxaa jira eedymo soo baxaya oo sheegaya in Madaxweynaha  iyo xulafadiisa gacanta ku dhigeen wasaradaha go'aanka siyasdeed ka gaari doona qorshaha higsiga 2016.

Wasarada Arrimaha Gudaha iyo Federalka, Wasaarada Dastuurka, Wasaarada Cadaalada, Wasaarada Qorsheynta, Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Wasarada Amniga oo aan ka muuqan liiska xukuumada cusub ayaa loo magacaabey xubno siyaasad gacansaar leeyihiin Madaxweyne Xasan Shiikh iyo xulafadiisa.

Sidoo kale wasiirada xukuumada cusub kasoo galey beesha maamul goboleedka Koonfur Galbeed dagta ayaa magacaabistooda waxaa talo buuxda ku lahaa gudoomiyaha Barlamanka "Jawaari" halka sida warar lagu kalsoon yahay xusayaan in aan wax laga weydiin Madaxweynaha maamul goboleedkaas Shariif Xasan oo si aad ah ugu dhexjira Barlamanka Somalia.

Dadka siyaasada Dowlada Federaalka falanqeeya ayaa welwel ka muujinaya saameynta Shariif Xasan ku yeelan karo xildhibanaada kasoo galey Barlamanka beesha dagta maamul goboleedka Koonfur Galbeed kuwaasoo looga fadhiyo Jawaari inuu ka keeno ansaxinta xukuumada cusub.

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa horey u soo noqdey gudoomiyaha Barlamanka Somalia islamarkaana u tartamey xilka Madaxweynaha Dowlada Federaalka.

Isku soo duub golaha wasiirada ee dhowaan lasoo magacaabey ayaa waxaa dul heehaabaya shaki weyn oo la xiriira qaabka loo xuley dadka kamid noqdey iyo sababta tiradooda loogu koobey 20 xubnood xilli madaxweynaha iyo Ra'isal wasaarahiisu u baahanyihiin Barlamanka dowlada Federaalka ah ansaxiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM