​Wasiiro maanta hortagaya Baarlamaanka Somaaliya

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Saddex Wasiir oo katirsan Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah ay hortagaan Xildhibaanadda Gollaha Shacabka Somaaliya.

Wasiirada Caafimaadka, Cadaaladda, iyo Warfaafinta, ayaa Xildhibaanada u akhrin doono Hindise sharciyeedyo Wasaaradahooda soo gudbisay, oo ay soo ansixisay Xukuumadda Federaalka Somaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Somaaliya Drs Foosiyo Abiikar Nuur ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doonto Hindise sharciyeedka Caafimaadka Dalka.

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda, Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doono Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa, halka Wasiirka Warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Yariisow Xildhibaanada u sharxi doono wax ka badal lagu sameeyay Xeerka Saxaafadda.

Xeerka Saxaafadda ayaa in mudo ah waxaa ka taagan muran badan, iyadoo lagu eedeeyay Wasiirka Warfaafinta inuusan la tashi badan kala sameyn Suxufiyiinta qodobada wax ka bedel u baahan.

Xildhibaannada ayaa akhrinta kadib, Su'aallo waydiin doono Saddexda Wasiir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM