Weerar culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Image

GOLWEYN - Weerarka oo loo adeegsaday Qarax Miino, oo uu xirgay mid toos ah ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow tuuladda Golweyn gaabiga ku haysa degmadda Buula Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa mas'uuliyadiisu sheegtaya kooxda Al-Shabaab, taasoo guulo kala duwan ka sheegatay, xili ay tilmaamtay inay ku beegsatay Kolanyo ka tirsan AMISOM, ayna kaga gubtay mid kamid ah gaadiidka dagaalka.

Fahfaahinta laga helayo weerarka ayaa intaas ku dareysa in Qaraxa kahor Gaadiidka AMISOM lagu gannay dhowr xabo oo Madaafiic ah, waxaana intaas kadib xigtay Dagaal toos ah oo dhex-maray rag Al-Shabaab ka tirsan iyo ciidamadda AMISOM.

Saraakiisha maamulka gobolka Shabeellaha Hoose iyo kan degmadda ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu jiro, inkasta oo ay ka gaabsadeen inuu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyadda dagaalku dhex-maray oo kala gaarey.

Hasa-yeeshee, War qoraal ah oo kasoo baxay dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayey ku sheegteen in weerarkaan ay dil iyo dhaawac ugu geysteen Askar ka tirsan ciidamadda midowga Afrika ee AMISOM, inkasta oo aysan cayimin tiradda.

Taliska guud ee Howlgalka ciidamadda Nabad-illaalinta ujooga Soomaaliya iyo midka gobolka Shabeellah Hoose wali kama aysan hadlin weerarkaan, inkasta oo xiriir kala duwan oo uu Warsidaha Garowe Online la sameeyay ay noosuura geliwaysay.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah maalaha ugu badan ee ay ka dhacayaan weerarada ka dhanka ah ciidamadda AMISOM iyo kuwa dowladda, oo inta badan lagu beegsaday Qaraxyo iyo weerar Gaadmo ah, taasoo dhalisay dhimasho iyo dhaawac.

Kolanyadda weerarkaan gaadmadda ah lagu ekeeyay waxaa la sheegay inay wadeen sahay, taasoo ay geeyeen Saldhiga degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellah Hoose, waxaana weerarka lagu ekeeyay xili ay dib uga soo laabteen socdaalkooda.

30-ka bishii July ee 2017 ayey ahayd kadib markii weerar gaadmo ah oo lagu beegsaday ciidamada AMISOM isla Golweyn, loogu geystay Askar ka socotay dalka Uganda oo howlgalka ka tirsan khasaaro dhimasho iyo dhaawac, kaasoo ay fulisay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM