Weerar ka dhacay duleedka Muqdisho [Fah-faahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray fariisin ay ciidamada Dowladda gaara ahaan kuwa NISA ku leeyihiin deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, maanta oo Isniin ah.

Dagaal fool ka fool ah ayaa lagu soo waramayaa inuu halkaas ka dhacay, kaasoo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kana dhashay khasaaro isugu jira dhimash iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaan ku dhintay saddex ruux oo isugu jira labadda dhinac, sida uu warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay Goobjooge ku sugan meesha ay wax ka dhaceen.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalka oo kasoo baxay Al-Shabaab, oo weerar ka lamid ah xalay kusoo qaadey barta Koonatrool ee NISA ku leeyihiin Siinka Dheer, kaasi oo socday wax ka badan saacad.

Saraakiisha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegey in dableyda hubeysan ee weerarka kusoo qaaday ay iska difaaceen islamarkaana ay gaarsiiyeen "Jug culus" sida ay hadalka u dhigeen.

Deegaanka Siinka Dheer oo kamid ah meelaha laga soo galo Muqdisho marka ay laga yimaado Gobollada Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose, ayaa waxaa amaankeeda uu ahaa mid aad u adag maalmihii u dambeeyay.

Weerarada is-daba joog ah ayaa qeyb ka ah kuwa ay Al-Shabaab fulineyso inta lagu guda jiro bishaan Ramadan, iyadoo kooxda ay doonayso inay meesha ka saarto dowladda uu caalamka aqoonsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM