Wiil ay haweenay Soomaali ah u dhashay dagaaleme ISIL oo la dilay

Image

LONDON, UK – Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacay gudaha Suuriya waxaa lagu dilay wiil ay haweenay Soomaali ah u dhashay dagaalame Daacish, waxaana kaga dhaawacmay seygeeda, sidda ay warisay Jariiradda Daily Mirror.

Majaladda ayaa soo xigatay Aseel Muthana oo la sheegay in uu si qarsoodi ah u guursaday Nasra Abuukar taasoo iyaddoo 18-jir ah ka carartay hoygooda degmada Lewisham ee koonfurta caasimadda Ingiriiska ee London.

Wiilka kaga dhintay weerarka dhanka cirka ayaa lagu magacaabi jiray Faris, halka Aseel uu kasoo gaarey dhaawac dhanka madaxa qeybta hore ah.

Nasra ayaa haatan ku jrita xero ku taala waqoyga Suuriya, waxaana ay halkaas ku haystaa wiil kale kaasoo magaciisa lagu sheegay in uu yahay Tahla.

Sidda ku xusan warbixinta jariiradda oo aan lagu shaacin goorta ay duqeyntu dhacdey, baasaboorkii Nasra waxaa la wareegtay dowladda UK si lamid ah Shamima Begum oo uu ka dhintay seygeeda ka tirsanaa ururka ISIL

Aseel ayaa u sheegay majaladda Daily Mirro in markii ugu dambeysay ee Nasra uu arko ay ahayd xilligii Daacish laga saarayay magaaladda Bargouz.

"Waanu kala tagnay waqtigaas, waxaana iyadda loo qaadey xerro. Warqad ayaan u diray, waan aaminsanahay in ay gaartey balse marnaba iima aysan soo jawaabin. Rajadeydu waxay tahay hadii leygu xiro UK in ay isoo booqan doonan qoyskeeda," ayuu ku yiri wareysiga uu la yeeshay wargeyskan.

Ku dhowaad 400 muwaadin British ah ayaa dib uga soo laabtey Daacish – qaarkood waa la xiray, waxaana ay si dhow xaaladooda ula socda sirdoonka Britain ee MI6 iyagoo si aayar ah dib ula midoobaya dadweynaha.

Qaar kale oo dhan 350 waxaa loo maleynayaa in la diro ama ay u carareen dalalka deriska. Halka 100-ka soo haray oo ay ku jiraan haween haysta caruur Daacish ah ay ku jiraan xeryo ama sidda Assel, xabsiyadda ku yaala dalka Syria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM