Wiil uu dhalay Amiirka Al Shabaab oo howlgal lagu dilay

Image

KUNTUWAREY - Wiil uu dhalay Amiirka Al Shabaab iyo Horjoogayaal ayaa lagu dilay Howlgal gaar ah oo Ciidamada Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Idaacadda ku hadasha Afka Ciidamada Xoogga dalka, ayaa baahisay warar sheegaya in Howlgalka lagu dilay Xasan Axmed Diiriye, oo uu dhalay hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Diiriye [Abu Cubeyda].

Howlgalka oo ay ka qeyb-qaateen Ciidamo Mareykanka u dhashay ayaa laga fuliyay xalay saqdii dhexe degmada Kuntuwarey, oo ay maamusho Al Shabaab, sida ay sheegtay Idaacadda Ciidamada.

Waxaa sidoo kale ku dhintay Howlgalka qorsheysan xubno gaaraya 12 iyo Hogaamiyaal kale oo ay kamid ahaayeen Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur (Faruur).

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan howlgalka la sheegay inuu ka dhacay degmada Kuntuwarey iyo dilka wiilka hogaamiyaheeda, oo aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa la howlgala Ciidamada Mareykanka ee tababarka siiyay kuwaasi oo saldhigyo ku leh deegaanka Balli Doogle, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM