Wiil uu dhalay Sheekh caan ah oo Muqdisho kaga badbaaday qarax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa koowaad oo ka dhacay duleedka Muqdisho gaar ahaan Siinka Dheer ayaa lala eegtay kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan milatariga.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyey in hal askari uu ku dhintay falkaas, uuna ku dhaawacmay mid kale. Al-Shabaab ayaana sheegatay.

Idaacadaha Muqdisho ayaa ku waramaya in kolanyada ay galbinayeen Injineerada Turkida ah ee dhiseysa wadada isku xirta caasimada iyo Afgooye.

Dhinaca kale, qarax ka dhacay degmada Yaqshid waxaa ka badbaaday wiil uu dhalay mid kamid ah Wadaadada ugu caansan magaaladda.

Sheekh Muuse Cawagweyne ayaa waxa uu hadal-jeedin u sameeyaan xubnaha kasoo goosta xoogaga xiriirka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Waa markii labaad oo uu wiilkiisa ka badbaado isku day khaarijin, isaga oo aaney waxyeelo daran kasoo gaarin falka loo maleegay.

"Qarax miino oo gaariga lagu rakibay buu ahaa, laakiin waxba kuma noqon, ALLE mahadii," ayay warbaahinta kasoo xigatay.

Mas'uuliyiinta ayaa ku waramaya in ay baaritaano ku bilaabeen dhacdooyinkaan, wallow illaa iyo hadda aan cidna loosoo qaban.

Qaraxyadda loo adeegsado Miinooyinka ayay Al-Shabaab kordhisay adeegsigooda bilihii u dambeeyay markii ku fashilmeen qaadista howlgalo waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Dagaal ka ku socda Deegaanno Hoostaga Moqokori

Saraakiil amni ayaa sheegay in ujeedada howlgalka ay tahay in la jebiyo isku-day kasta oo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-07-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo Taageero Dhaqaale u raadinaysa Howlgalka AUSSOM

Howlgallada Midowga Afrika ayaa noqday ku fashil ah oo aan kasoo bixin natiijo wanaagsan, maadaama Al-Shabaab wali awood leedahay.

  • Soomaliya

    05-07-2025

  • 12:55PM