Xaaf: Cidna nagu gumeysanmeyso Galmudug, dagaal baan ka xignaa

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyne Xaaf ayaa mar kale wacad wuxuu ku maray in maamulkiisa uu iska daafici doono wax uu ku sifeeyay "jilaafooyin" uusan farta ku fiiqin dhinaca ay uga imaanayaan.

Balse tani ayaa kusoo aadeysa xili aanan wali xal laga gaarin khilaafka daba dheeraaday ee maamulka Dhuusamareeb iyo Madaxtooyadda oo xuduntiisu tahay xil-haynta Xaaf oo laba sano xafiiska jooga.

"Gobolkan intaan joognay waxyaabo badan way noo qabsoomeyn. Nabad iyo nololna waa la helay. Jilaafooyin badan way iska jireen balse waan is-tiileenaa. Kuwa wanaaga iyo nabada kasoo horjeeda waa loo baahan yahay in laga hortago," ayuu madaxweynuhu yiri.

Bishii Maaj 3-deeda ayay ahayd markii Xaaf lagu doortay kadib doorasho ka qabsoontay magaaladda Cadaado, isaga oo waqtigaasi bedallay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xilka iska casilay.

Xaaf ayaa ku booriyey dhalinyarada Galmudug in ay la saftaan maamulkooda ayna dhinac uga soo wadajeestaan wax uu ugu yeeray "kuwa nala joogay ee baraha bulshada ku faafinaya been abuurka".

Hadalkan ayaa wuxuu daaran yahay hadal-heyn maalmihii lasoo dhaafay taagneyd oo ku aadan in uu khilaaf soo kala dhex-galay Xaaf iyo madaxda Ahlu Sunna oo ku saabsan doorashada bisha Julaayo loo balansan yahay.

"Adinka nafsadiina [dhalinta] difaac badan baa la idinka rabaa, oo aan yareyn, waad ogtihiin xalay wixii baraha bulshada la dhigayey, waxyaabo layaab leh oo mucjiso ah weye. Waa kuwa annaga nala jooga, Dhuusamareeb baa laga diray markii ugu horeysay, sida la ii sheegay, haddaana waxaasi lawada qabana qof kaliya waxba ma qaban karo," ayuu xusay.

'Sanad ma tagin gurigeygii Xamar'

Xaaf oo ah ganacsade ayaa ku jira hogaamiyeyaasha qaar ee maamulada madaxda ka ah kuwaasi oo guryo ku leh magaala madaxda dalka ee Muqdisho, balse wuxuu tibaaxay in uusan sanad tagin wallow uusan sababta shaacin.

Dowladda ayaa xayiraad dhaqaalo iyo siyaasadeed kusoo rogtay Galmudug si uu daacad ugu noqdo Xaaf. Farmaajo markii ugu dambeysay ee uu tago Galmudug waxa soo dhagax-dhigay mashaariicyo balse ma jiraan wax ka fulay.

"Waag ogtihiin, culeys badan baa na haysta, waana iska caabineynaa, sidan isaga caabin lahayna dhalinyaradda baa loo baahan yahay. Dadka naga soo horjeeda wanageena ma rabaan. Halkan maalintan imaaneynay oo noogu horeysay meelo badan baanu dhagax-dhignay wax soo laabtay ma aragteen, maynaan aragteen, mana sugeysaan. Wax badan baa jira, aniga xitaa gurigeyga Xamar ma tagin, Cadaaladana diyaarad baan u dul-maraa, laakiin intaasi oo dhan dagaal baanu ka xigaa, waanu gaari doonaa, Insha Allah," ayuu cadeeyay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa, ugu dambeyntii, waxa uu si cad daaha uga rogay in ay isku tashanayaan isla markaana ay isku deyi doonan sidii ay uga maarmi lahaayeen taageerada xukuumada federaalka.

"Cidna nagu gumeysanmeyso Galmudug. Waan ka shaqeysaneysaa, waana joogeynaa. Abal waan gagambaneynay oo aan is-laheyn armay si wax noqdaan. Laakiin hadda run-run-bey-geyday, dalkeena ka shaqeysaneynaa. Wax badan oo aan loo jeedina way noo imaan doonan. Kheyr badan baanu helaynaa, warshadan dhisaneynaa, jidadkeena waanu dhisaneynaa," ayuu kusoo xiray.

Galmudug ayaa haatan u kala jaban laba garab. Darafka Cadaado oo dowlada taageersan waxaa hogaaminaya madaxweyne ku xigeenka, Carabey iyo afhayeenka baarlamaanka, Cali Gacal Casar, halka qeybta Dhuusamareeb ku shaqeysa uu ugu sareeya Xaaf oo uu wehliyo madaxa xukuumada Sheekh Shaakir.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM