"Galmudug ma ahan mustacmarad, waa maamul madax banaan"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf oo maanta dib ugu laabtey Dhuusamareeb kadib socdaal uu ku tegay xarunta Kenya ee Nairobi ayaa ka fal-celiyey qoraalkii dhowaan kasoo baxay xukuumada federaalka.

War-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa nuxurkiisa wuxuu ahaa in doorashada Galmudug ay qabsoonto bisha Julaayo iyo shir lagu xalinayo khilaafka hogaanka maamulkaasi oo la qabto.

"Warqadaasi waxa u muuqatay in Galmudug ay tahay maamul cusub oo hadda la dhisayo. Galmudug ma ahan mustacmarad iyo maamul cusub oo hadda la dhisayo oo doorasho loo qabanayo. Galmudug waa maamul madax banaan oo leh dastuur, baarlamaan iyo madax, waana xadgudub in la yiraahdo doorashaa loo qabanayaa," ayuu yiri.

Geesta kale, hogaamiyaha maamulka Dhuusamareeb oo ka warbixinaya socdaalkiisa Nairobi ayaa shaaca ka qaadey in xubnihii uu lasoo kulmay ee beesha caalamka ay arrimo dhowr ah isku soo afgarteen.

"Safiiradii aanu la kulanay ee beesha caalamka waa ay aqbaleen in madaxda dowladda federaalka ay hortaagan yihiin mashariicda laga fulinayo Galmudug waana isku raacnay in annaga si toos ah nagula soo wareejiyo," ayuu ku daray.

Madaxtooyadda oo cadaadiska Xaaf kordhisay bilooyinkii lasoo dhaafey isla markaana horey u kala qeybisay hogaanka Galmudug ayaa waxay dooneysaa in kursiga uu ku fadhiyo Xaaf ay ku bedesho siyaasi daacwad u ah.

"Madaxda dowladda federaalka hadey iyaga sharciga ku dhaqmi waayaan, annaga kuma deysaneyno, waanu ilaalineynaa," ayaa laga soo xigtay Xaaf, oo suxufiyiinta kula hadlay caasimadda maamul goboleedka Galmudug.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dadkii lagu laayey Gaalkacyo horaantii bishaan ay khaarijiyeen ciidamo ka amar qaata dowladda isla markaana ay arrtintu ahayd "mid siyaasadeysan".

"Tobban askari oo dowladda ka amar-qaata ayaa dilay dadkaasi, waxaana ay ahayd arrin siyaasadeysan," ayuu daba dhigay, isaga oo balanqaadey in lasoo qaban doono gebigood, cadaaladana la marsiin doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM