​Xaaf: Go'aanka Galmudug anigaa leh, cidna kalama tashanayo

Image

ABU DHABI, UAE - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa ka jawaabey eedeyn uga timid Gudoonka Baarlamaanka maamulkiisa iyo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cabdi Xaashii Carabeey.

Madaxweyne Xaaf oo hadda ku sugan magaalada Abu Dhabi, ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta ayaa difaacay go'aanka Galmudug ku taageertay Xulufada Sacuudiga, ee xiriirka u jaray dalka Qadar 5-tii June.

Wuxuu sheegay inuu isagu leeyahay go'aannada noocaasi ah, islamarkaana aysan jirin cid uu kala tashanayo, isagoo taasi ula jeeda Hay'adaha sare ee maamulkiisa, sida Xukuumadda iyo Barlamanka.

"Wax walba lagama wada-tashado, go'aanka rasmiyan anigaa leh, waana u sheegay, arrimahaha socda waa arrimo aad moodid inay yihiin kuwa qabiil salka ku haya, taasina Galmudug way ka gudutay," ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha ayaa xusay in Go'aankii uu ku taageeray Sacuudiga iyo Imaaraadka uu ahaa mid ku jira danta shacabka reer Galmudug iyo xiriirka Ganacsi ee kala dhexeeya dalalka Khilaafka ee uu la saftay.

Dhanka kale, Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Somaaliya inay joojiso faragelinta ka dayso Maamulkiisa iyo maamullada kale, si aan loo dhaawicin wadashaqeynta dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.

Hadalka Xaaf ayaa yimid kadib markii, Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug, Cali Cagal Casir uu ku eedeeyay in isagoo aan kala tashan Hay'adaha kale ee mamaulkiisa inuu qaatey go'aankii uu ku taageeray Sacuudiga iyo Xulufadiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Cabdi Xaashii Carabeey, ayaa shalay soo saarey War qoraal ah, oo uu ku sheegay in Galmudug ay dowladda Federaalka ku raacsan tahay mowqifka dhex-dhexaadnimada ee Khilaafka Khaliijka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM