Xaaf oo ka hadlay eedeynta ku aadan in uu xiisada badda la saftey Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf, ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka jawaabey eedeyn loo jeedinayo oo ku aadan in uu xiisadda badda la saftay dalka Kenya.

Khilaafkan oo taagan tan iyo sanadkii 2014-kii markaasi oo ay Soomaaliya dacwad ku aadan u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa soo cusboonaatay bishii Febraayo.

Hogaamiyaha maamulka Dhuusamareeb ayaa sidoo kale ka fal-celiyey eedeyn kale oo ku saabsan in madaxda maamuladda dalka ay ku shireen Nairobi iyaga oo wada qorshe ka ah xukuumadda.

"Cid ku shirtay Kenya ma jirto. Cid kasta isagaa shaqsi ahaantiisa u tegay. Markii hore Waare waa tegay waa ka noqdey. Axmed Madoobe ayaa tegay, aniga waan tegay waana kasoo tegay, isaga [madaxweynaha Jubbaland] waa ka tegayaa," ayuu u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Dowladda ayaa madaxda maamuladda qaar si gaar ah hogaamiyeyaasha Galmudug iyo Jubbaland ku dhaliishay in ay maamulka Uhuru Kenyatta ku garab-siinayaa cadaadiska xukuumada Muqdisho.

"Arrinta badda iyo baabkeeda waa ka horeysay dowladdan, dowladdii Xasan Sheekh bey ahayd. Maxkamad la is-geeyay, maxkamadaasi wixii kasoo baxa cid walba in ay ku qanacdo weye," ayuu hadalkiisa ku daray Xaaf.

Hasa yeeshee madaxweynaha Galmudug oo ah ganacsade isla markaana degan waddanka Kenya kuna leh hanti ayaa wuxuu soo jeediyay in loo baahan yahay in xaaladda la qaboojiyo maadaama ay rayidka saameyneyso.

"Kenya annaga waa waddankeenii labaad, in dhibaato na dhex-marto ma rabno, annigan kula hadlo hanti baan ku leeyahay waan deganahay todoba milyan oo Soomaali ah ayaa degan ganacsi ayey ku leeyihiin tacliin bey ka bartaan qaxooti ahaan bey u joogaan waa soo maaraan waana sii maraan annaga in wax dhibaato ah nooga timaado inta ay dowladda federaalka ah la dirirto ma rabno wax nagala talo geliyey ma lahan," ayuu xusay.

Hadafka ugu weyn ee ay Kenya cadaadiska u saareyso Soomaaliya ah ayaa ah in laga noqdo dacwadda isla markaana qaab wada xaajood ah lagu dhameeyo qaddiyadda, taasi oo uu taageeray Xaaf.

Kenya si uu ugu guuleysato cadaadiskaasi waxa uu xiriirka diblumaasiyadeed u dabcisey Soomaaliya, mas'uuliyiin Soomaaliyeed ayaa laga soo musaafuriyay Nairobi, waxayna xiratay xuduudkeeda.

Madaxweyne Xaaf oo arrimahaasi wax laga waydiiyey isaga oo ka jawaabaya wuxuu daba dhigay "Arrintaasi iyadda iyo dowladda federaalka ah ayey ka dhaxeysaa, wixii ay isla rog-rogmanayaan ayaga u taalaa. Annaga nalama ogeysiin, dowladda federaalkana nooma aysan soo bandhigin inaan jirno iyo in kale dan kama laha, iyaga u taalaa waxay la didirayaan iyo waxay la heshiinayaan laakiin annaga halkaasi dan baa nooga xiran beesha caalamka ayaa naga joogto, hanti baan ku leenahay, waan ku nool-nahay waan tagnaa waa meesha kaliya oo aan tagno aana kasoo laabano meel kale oo noo furan ma jirto hadii ayadii nagala xiro waa dhbaato, dadka Soomaaliyeedna dhibaatey ku tahay.

Hadaladan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo xukuumada federaalka ay ku goodisay in ay talaabo dastuuri ah ka qaadi doonto cid kasta oo ku dhaqaaqda talaabooyin dhaawacaya midnimada iyo arrimaha lama taabtaanka ah ee qaranka sida cirka iyo dhulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM