Xaaf oo laaley heshiiskii Ahlu Sunna, aqbaleyna dalabkii DF ee doorashada

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa waxa uu ku dhawaaqey in uu gebi ahaanba buray heshiiskii Jabuuti ee ay ku midoobeen maamulada Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Axdigaasi ayaa waxaa magaaladda caasimada ah ee Muqdisho kuwada saxiixay hogaanka labadaasi dhinac 6-dii bishii December ee 2017-kii xili uu goobjoog ka ahaa madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xaaf oo ku taariikheysan 24-ka June 2019-ka, waxa uu sidoo kale ogolaadey dalabka dowladda oo ku aadan qabashada doorashada.

Xukuumada ayaa horey u soo jeedisay in coddeynta ay qabsoomeyso bisha Julaayo ee sanadkan 2019. Talaabadaasi waxaa loo arkay mid ay ku raadineyso Villa Soomaaliya in ay bedasho Xaaf.

"Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha [ayaa waxay] kawada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashada iyo dib uheshiisiinta," ayaa lagu yiri bayaanka.

Geesta kale, madaxweyne Xaaf ayaa daboolka ka qaadey in la dhameeyay kala aragti-duwanaanshiyahii kala dhaxeysay Madaxtooyadda oo cadaadis xoogan ku saartay sidii uu miiska wada hadalka u imaan lahaa.

WAR-SAXAAFADEEDKA OO DHAMEYSTIRAN

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Markuu arkay: Qodobka 50aad, faqradiisa 6aad, 9aad iyo 10aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug;

Markuu arkay: Axdi la’aanta Ahlu-Sunna Waljamaaca ay si xurma la’aan ah u muujiyeen;
Markuu arkay: Damaca iyo sad bursiga aan dhamaaneyn ee Ahlu-Sunna Waljamaaca;
Markuu garwaasaday: Ahmiyadda ay leedahay ilaalinta dastuurka iyo heshiisyada Galmudug;
Markuu latashaday: Odoyaasha iyo Waxgaradka beelaha dega Galmudug;

Wuxuu Xeeriyey;

Qodobka 1aad

1. In uu buray heshiiskii Jabuuti ee Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljamaca oo lagu saxiixay Muqdisho 06/12/2017.
2. In laqabto Doorashadii Dowlad Goboleedka Galmudug.
3. In Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha kawada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashada iyo dib uheshiisiinta.
4. In ay dhamaatay kala aragti duwanaan shihii Dowladda Federaalka iyo Galmudug.
5. In doorashadu ka dhacdo caasimadda kumeelgaarka ah ee Cadaado.

Qodobka 2aad

Ayadoo la eegayo qodobka 1aad ee kor ku xusan waxaa buray gabi ahaan wax kasta oo heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-Sunna ka dhashay oo ay ka mid tahay:

1. Badalidda astaanta Galmudug
2. Badalidda Dastuurka Galmudug
3. Dhismaha Madaxa Xukuumadda
4. Badalkii Gudoomiyihii Baarlamaanka iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii
5. Isku darka Golaha Baarlamaanka
6. Dhismaha Golahii Wasiirada cusbaa


Go'aanadan kasoo baxay xafiiska Xaaf ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadda oo uu galabnimadii Axada uu ka hayaamay Dhuusamareeb isla markaana ku hoyday degaanka Godinlabe ee duleedka Cadaado.

Kala tegitaanka xarunta gobolka Galgaduud ayaa timid kadib muddo laba maalmood ah oo wasiirka arrimaha gudaha federaalka uu ku sugnaa halkaasi uuna wada dadaalo lagu dhameynayo xiriirka Xaaf iyo dowlada oo xumaadey.

Villa Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in heshiis qarsoodi ah ay la gashay hogaanka Ahlu Sunna taasi oo soo dadejisay in uu Xaaf soo gabagabeeyo joogitaankiisa caasimada rasmiga ah ee Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM