Galmudug oo ka hadashay xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya-Kenya

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxtooyadda maamulka Xaaf ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban laba bog kaasi oo looga hadlay xaalada guud ee dalka oo ay ku jirto xiisada ka dhex-aloolsan Kenya iyo Soomaaliya.

Ugu horeyn, sidda ku cad bayaanka, Galmudug ayaa dhaweysay qaraarkii Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee waalaaca looga muujiyey xaalada bini'aadanimo ee dalka iyo baahida siyaasad loo dhan yahay.

Xukuumada oo lagu eedeeyay in ay iska indhareyso doorka maamuladda ayaa lagu xusay qoraalka in ay sababtay in cilaaqaadka dowlad goboleedyadda kala dhaxeeya uu sii xumaanayo tan iyo sanadki hore.

- Gacma-gacmeynta xukuumada ee Galmudug - 

Villa Soomaaliya oo xusul-duub ugu jirta in ay Xaaf meesha ka saarto ayaa kala geysay hogaanka maamulkaasi, kaasi oo haatan ku kala shaqeeya Dhuusamareeb iyo Cadaado.

"Galmudug waxay taliska Farmaajo kala kulmeysaa farogelintii ugu xumeyd," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah "waxayna ka joojisay qoondadii taageerada caalamka".

- Wadahadalada Somaliland iyo dowlada federaalka -

"Siyaasada go'doominta iyo hor-istaaga Somaliland ee xukuumada Farmaajo ayaa dhalisay in wadahadaladii labada dhinac ay burburaan," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo nuqul kamida uu arkay GO.

Wadaxaajoodyada ayaa hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-tii. Dhinacyadda oo mar kasta sheega in ay diyaar yihiin wali talaabo ma qaadin iyadda oo doorka beesha caalamka uusan muuqan.

- Xiriirka dalalka deriska –

Xaaf oo soo qaadey xiriirka sii xumaanaya ee xukuumadaha Nairobi iyo Muqdisho ayuu si cad ula saftay Kenya isaga oo dowlada Soomaaliya dusha ka saarey mas'uuliyadda cilaaqaadka meeshii ugu adkeyd gaarey.

"Dhaqanka siyaasadeed ee aan xaalada lahayn ee madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre oo dhaawacay xiriirka soo jireenka ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa kalsooni beel ku riday hogaamiyeyaasha dalalka deriska," ayaa lagu daray.

- 'Heshiisyo sharci darro ah' –

Sanadkii hore, Farmaajo ayaa heshiis ku saabsan dhanka dhaqaalaha iyo amniga wuxuu la galay dowladaha Itoobiya iyo Eritrea balse Galmudug waxay ku sifeysay "kuwa baalmarsan sharciyadda".

"Heshiisyadaasi wali lama horgeynin baarlamaanka iyo Golaha Wasiiradda Soomaaliya," ayuu raaciyey maamulka Xaaf. Heshiiskaasi ayaa loogu yeeray "Iskaashiga wadamada gobolka".

- 'Dagaal dacaayadeyn warbaahineed' –

Galmudug oo noqonaya maamulkii ugu horeeyay oo xiisada Soomaaliya iyo Kenya ka hadla ayaa ku eedeeyay maamulka Farmaajo "wiiqitaanka hay’addaha dowlada iyo dagaal warbineed oo dayaacadeyn ku dhisan".

"Laanta fulinta waxay diirada saartay siyaasad aamusitaan oo diidmo ah iyadda oo u mareysa laaluush, cabsi gelin iyo dagaal warbaahineed oo been-abuur ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo English ku qornaa.

Fadhiyadda baarlamaanka federaalka ayay sheegeen in ay noqdaan kuwa "si ola kac ah" loogu beegsado hogaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed iyo xubno mucaaradka ah ee "saameynta leh".

- Shir degdeg ah –

Madaxweyne Xaaf oo ku dhaliilay xukuumada in ay "si khaldan u maamusho siyaasada amniga iyo dib-u-dhiska ciidamada ayaa hoosta ka xariiqay in taasi ay keentay "in argagxisada dhibaateyso bulshadda Soomaaliyeed".

"Sidaasi awgeed, Galmudug waxay ugu baaqeysaa maamulada shir wadatasi oo degdeg ah, kaasi oo looga arrin-sanayo xaalada siyaasadeed ee dalka oo aan la yeelanayo saaxiibada caalamka iyo dalalka deriska".

Ugu dambeyntii, Galmudug ayaa beesha caalamka ku tartarsiisay in ay ahmiyada siiyaan sidii ay Umadda Soomaaliyeed uga taageeri lahaayeen "in aysan kusii hoos dhibaatoobin falalka talis aanan mas'uuliyad isa-saareyn".

"Shacabka Soomaaliyeed waxay tobanaan sano wajahayaa dhibaato. Dhibaneyaal kale uma usii noqon karaan ficilada talis aanan mas'uul ka aheyn," ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM