Galmudug oo shaacisey "tuhun" keenay beesiga reer Koonfureedka

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Mudooyinkii dambe waxaa dib u soo cusboonaadey beegsiga dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku dhaqan qeyb kamid ah gobolada bartamaha dalka.

Isbuucii lasoo dhaafey, ku dhowaad 15 ruux ayaa siyaabo kala duwan ugu geeriyooday markii ay maleyshiyaad hubeysan ay ku weerareen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

Maamulka Koonfur Galbeed si gaar ah madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ka dalbaday hogaanka Galmudug in ay jawaab degdeg ah kasoo bixiyaan sababta keentay arrintan iyo cida ku lugta lahad.

"Waa fal fool-xun oo aysan raali ka ahayn diinta Islaam-ka, Soomaalinimada iyo Bini'aadanimadda," ayuu yiri Lafta Gareen oo Sabtidii si adag u cambaareeyay dilalkaasi.

Saacado kadib, hogaamiyaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf oo dhacdadan dul istaagey isaga oo tacsi u diray ehelada marxuumiinta ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta soo celisay in la beegsado dadkaasi.

"Horta si ay ahaataba waanu ka xunahay, warkana in la xumeeyo ma ahan. Balse tuhuno ayaa jira oo ku saabsan in dadka halkaasi kasoo jeeda oo la qabqabtay kii Guriceel iyo meelo kale ay xiriir la leeyihiin argagixisada, laakiinse waxaan ku daalnay in kuwa dhibta geysta lasoo qabto, cadaaladda ayaana horgeyn doonaa, hadii uu ALLE idmo," ayuu u sheegay Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Warar ayaa sheegaya in Sagaalka ruux ee lagu khaarijiyey xarunta gobolka Mudug loo bartilmaameedsaday "aargoosi" maadaama sarkaal sare oo sirdoonka Galmudug ka tirsan la toogtay.

Falanqeeyayaasha oo fekero kala duwan ka bixiyey xaaladan soo kordhay ayaa ku doodey "la xiriirto hayb-sooc ama la dirirka kooxda gacan-saarka la leh shabakadda balaaran ee Al-Qaacida".

Galmudug ayaa la midowday Ahlu Sunna. Urur diimeedkii hore ee wali baaqi kusii ah gobolada dhexe iyo Al-Shabaab waxaa horey u dhex-maray dagaalo qaraar oo ay labada dhinac ay ku waayeen xubno badan.

Bishii hore, magaaladda Guriceel waxaa lagu fashiliyey isku day is-miidaamin kadib markii askari uu isku duubay naftii hure kaasi oo doonayey in uu isku miidaamiyo munaasabad ay joogeen hogaanka Ahlu Sunna.

Shaqsigaasi oo wali baaritaan ay ku socoto ayaa waxaa la sheegay in uu kasoo jeedo gobolada Koonfur Galbeed wallow aysan wali ka hadlin xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM