Xaalada magaalada Baldweyne oo caadi kusoo noqtey

Image

Axad 19 Oct,2014 [GO]- Magaalada Baladweyne oo maanta ka dhaceen  banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuti ayaa iminka dagan. Dadkaan ayaa ka banaabaxayey dad rayid ah oo ku dhaawacmey degaanka Ceel-Gal oo 15 KMG u jirta magaalada Baladweyne.

Dadka mudaharaadyey ayaa ka cabanayey in ciidamada AMISOM  rasaas ku fureen dad rayid ah kuwaasoo dhaawacey Labo qof, halka afhayeen u hadley ciidamada Jabuti sheegey in ciidamadooda weerar lagu soo qaadey islamarkaasna is-difaaceen.

Gudoomiyaha gobolka Hiraan oo la hadley Idaacada BBC laanteeda Af-Somaliga ayaa sheegey in dadka mudaharadayey si khladan wax loogu sheegey hadana xaalada magaalada Baladweyne dagan tahay.

Cabdifatax Xasan Afrax ayaa meesha ka saarey eedeynta loo soo jeediyey ciidamada AMISOM ee dalka Jabuti isagoo xusey ineysan si ula-kac ah u toogan dad rayid ah.

Bananbaxyadaan ayaa salka ku haya sida wararka sheegayaan colaad qabiil oo ka jirtey maalmihii la soo dhaafey degaanka Deefoow.

Ciidamada AMISOM ayaa wararka xusayaan in weerarkaan lagu qaadey kadib markii ay isku dayeen iney joojiyaan coladaan qabiilka ah balse sababtey in shacabka kacdoon la galiyo iyadoo fariimo khaldan loo gudbiyey sida GO kasoo xigatey sarkaal ka tirsan ciidamada.

Wakiilka ururka midowga Africa ee Somalia Ambassador Maman S. Sidikou ayaa ku tilmaamey wax laga xumaado weerar hubeysan iyo mudaharaad iswata loo gaysto ciidamada AMISOM isagoo dalbadey in deg-deg loo joojiyo iyadoo kooxaha hubeysan muujinayaan taxadar.

Ambassador Maman ayaa qoraal uu kasoo saarey xafiiskiisa ku timaamey in ciidamada AMISOM ee jooga gobolada dhexe ee Somalia u joogaan halkaas iney caawinaan shacabka Somalia.

Mr. Maman ayaa ka codsadey kooxaha hubeysan ee ku sugan degaanka Deefoow iney joojiyaan colaada dhexdooda islamarkaasna aysan dagaal hubeysan isku-qaadin.

Gobolka Hiraan ayaa waxaa ku sugan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti iyo dalka Ethiopia kuwaasoo dagaal xoogan la galey kooxaha Al-shabaab oo degaanadaas gacanta ku hayey mudooyin badan.

Gobolka Hiraan ayaa ka kooban degmooyinka Baladweyne, Buulo-barde iyo Jalalaqsi kuwaaso iminka ku jira gacanta ciidamada AMISOM iyo kuwo ka socda degaanka ee hoos yimaad dowlada Federaalka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM