Xaaladda Muqdisho oo maanta ka duwan maalmihii lasoo dhaafay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaaladda magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniinta ah ka duwan sida ay ahayd maalmihii ugu dambeeyay, kadib markii dib loo furay Wadooyinkii xirnaa.

Ciidamo fara badan oo dowaldda xalay dhigtay Jidadka ayaa laga qaaday saaka kadib markii uu soo baxay warka Iscasilaadda Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Cismaan Jawaari.

Isku socodka Gaadiidka BL-ka iyo Dadweynaha oo maalmihii lasoo dhaafay caqabad kala kulmayay Ciidamada wadooyinka la dhigay, ayaa maanta dareemaya nafis iyo deganaansho ay si cadi ah ugu marayaan jidadka magaalada.

Xiisadda Siyaasadeed ee Gollaha Shacabka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay Isku socodkii Muqdisho, iyadoo dadweynaha ay cabasho ka muujiyeen wadooyin loo xirayay Kulamadii fashilmay ee Baarlamaanka ee la doonaya in codka loogu qaado Mooshinka.

Reer Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Isbedelka dhacay, maadaama Xaaladii cakirneyd iyo khilaafkii Barlamaanka ka dhex taagnaa ay soo gabagabowday maanta.

Is-casilaadda Jawaari waxaa shaaciyay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, iyadoo wali aah jirin war rasmi ah oo kasoo baxayy Xafiiska Gudoomiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM