Xafiiska ra'iisul wasaaraha oo laba xoghaye yeeshay todobaad gudahiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ayaa wuxuu Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiskiisa.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku shaaciyey in Cabdiraxmaan uu jagada ku haynayo si ku meelgaar ah.

Cabdiraxmaan ayaa bedelaya Cabdirisaaq Xuseen Aadan, kaasoo shan maalmood kahor qudhiisa si ku meelgaar ah loogu magacaabay xilkaas.

"Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/wasaaraha. Waxuu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan," ayuu Mahdi yiri, isagoo aan shaacin sababta keentay.

Cabdirisaaq ayaa kahor inta aan loo magacaabin jagadan laga qaadey wuxuu kamid ahaa howlwadeenadda xafiiska madaxweynaha.

Dad badan ayaa rumeysan in isbedeladan dhacay ay muujinayaan in jahwareer uu ka jiro xafiiska ra'iisul wasaaraha tan iyo markii Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka kalsoonida kala noqdey Xasan Cali Khayre.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta soo dedejisay xil ka xayuubinta Cabdirisaaq ay la xiriirto "xadgudub uu kula kacay" Yaxye Cali Hereeri, oo kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow Khayre.

Sidda ay tibaaxayaan warbixinada qaarkood, ciidamo uu diray C/risaaq ayaa isku dayey in ay la wareegaan gaari nooca aan xabada karin ah kaasoo uu isticmaalo Hareeri.

Dhacdadaan ay ka gadoodeen Xildhibaano ayaa lasoo wariyey in ay dhacdey kadib booqasho uu Hareeri kaga soo laabtey hoyga Khayre. Mudaneyaasha waxay u dacwoodeen Farmaajo oo amray in la eryo Cabdirisaaq.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ku mashquulsan magacaabida ra'iisul wasaaraha cusub, kaas oo fahfaahino kala duwan ay kasoo baxayaan cidda noqoneyso, iyaddoo ay socdaan gorgortan iyo wadahadalo ku aadan jagadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM