"Xalka" ku dhex-milanka Al-Shabaab ee nidaamka maaliyada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaramada Midoobay ayaa todobaadkan waxay daaha ka rogtay in Al-Shabaab aysan kaliya ku milmin hay'adaha ammaanka Soomaaliya, balse ay si lamid ah dhex-gashay nidaamka maaliyada waddanka.

Warbixin ay Golaha Ammaanka u gudbiyeen kooxda khuburada lixda ah ee dabagalka Soomaaliya qaabilsan ayaa lagu sheegay in argagixisada ay malaayiin ka heshay maalgeshiga ganacsiyada iyo hanti ma guurto ah.

Sidda ku xusan warbixintooda, aduun dhan 13 milyan oo Doolar ayay aruursatay December, 2019 illaa August, 2020, iyaddoo lacagtaas lagu kala wareejiyay Bangiga Salaama kaasoo maamulkiisa ay iska fogeeyeen.

Borofeesar Cabdi Ismaaciil Samatar oo Cilmiga Dhulka ka dhiga Jaamacada Minnesota ee waddanka Mareykanka ayaa maqaal uu ku daabacay bogga TRT World wuxuu kaga falceliyey warbixintaa xasaasiga ah.

Khuburada ayuu sheegay in ay ku guuldareysteen in ay farta ku fiiqeen gaabiska dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee ka hortagida dhibaatadan, taas bedelkeeda ay eedeeyeen "ganacsatada loo cagajugleeyo".

"Aduunka kama war-qabo waxa dhacaya," ayuu qoray, isagoo wargeyska faafiyey warbixinta ee NYT ku dhaliilay in uusan baahin qaabka dowlada iyo Beesha Caalamka uga gaabiyeen badbaadinta nidaamka maaliyadda.

Falanqeeyaha ayaa soo jeediyey laba qaab oo wax looga qaban karay dhibaatadan, kuwaasoo uu qeexay in wali fursad loo haysto.

"Marka hore, dowladdu waxay soo saari lahayd kaar aqoonsi oo Qaran oo runtiisu aan laga xishoon karin. Kaadhka aqoonsiga qaran ee sugan ayaa si weyn hoos ugu dhigi lahaa khayaanada iyo dambiyada ka dhaca waaxda maaliyadda," ayuu qoray, isagoo tibaaxaya in fursadan ay wali u banaan tahay madaxda.

Dekada Muqdisho ayaa kamid ah meelaha dakhliga ka hesho argagixisadda, iyaddoo dowladda ay ku fashilantay in ay wax ka qabato iyaddoo og in dhibaatadaas ay jirto, arrintaas oo su'aallo kala duwan dhalisay.

"Midda labaad, Muqdisho ammaankeedu aad buu u xun yahay oo Al Shabaab way dili kartaa qof kasta oo ay doonto kaasoo diida amarkeeda tooska ah. Sugidda amniga Muqdisho waxay meesha ka saari lahayd isha dhaqaale ee ugu weyn ee argaggixisada iyo dhiirrigelinta dadka," ayuu ku daray hadalka.

Maleyshiyada gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa u muuqaneysa mid dhaqaale badan aruursatay sanadihii ugu dambeeyay taasoo sarre u qaadeysa walaaca in ay faragelin karto doorashadda 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM