Xarigga wasiir Cabdirashiid Janan oo bil-jirsaday maxkamaddeyn la'aan

Image

MUQDISHO/KISMAAYO, Soomaaliya – Maalin Axad ah, 1-da September 2019, ayay ahayd markii uu si rasmi ah u soo shaac-baxay in Cabdirashiid Janan, wasiirka Amniga Jubbaland laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Qabashadiisa ayaa timid markii diyaaradaha tegaya/kana soo baxaya Kismaayo lagu amray in ay soo maraan Muqdisho. Janan oo ka yimid Doollow ayaa la sheegay inuu kusii jeeday Addis Ababa, magaala madaxda Itoobiya.

Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saacado kadib shaaciyey in Janan "loo haysto dambiyo culus" isla markaana baaritaano la xiriira eedeymahaasi ay ku sameyn doonan kadib cadaaladda [maxkamad] uu wajihi doono.

Maamulkiisa oo fal-celinta koowaad shaki geliyay xaqiiqadda ayaa kadib aad u cambaareeyay falka lagula dhaqaaqay mas'uulkan xasaanadda huwan, waxayna ku sifeeyeen qabashadiisa "afduub baalmarsan dastuurka dalka".

Xariga Janan oo bil-jirsaday ayaa holac kusii shiday khilaafka siyaasadeed ee Villa Soomaaliya iyo Kismaayo kaasoo salka ku haya madaxtinimadda Axmed Madoobe iyo doorashadda dowlad goboleedkaas.

Bil kadib maxaa daaha gadaashiisa ka socda?

Sidda ay dhigayaan shuruucda caalamka iyo midka dalka u yaala, muwaadinka waxaa waajib ah in muddo ku suntay 24-saacadood maxkamad lagu soo taago ama dacwad lagu soo oogo laga bilaabo marka lasoo xiro.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo soo dhaweysay xariga Janan kuna eedeysay "dambiyo caalami ah" ayaa codsatay in si degdeg ah loo maxkamadeeyo.

Bil kadib, laamaha ammaanka federaalka wali si rasmi ah ma aysan u shaacin dacwad ka dhan ah Janan si lamid ah maxkamad lama soo taagin, taasi oo wariyeyaasha ama dadweynaha ay ka qeybgaleen.

Iskaba daa in dacwad lagu soo oogo, xeer-ilaalinta qaranka ayaa bishii April ee sanadkan ku dhawaaqday in Janan aanan loo haysan wax dacwad ah, isla markaana lagu waayey eedeymihii loo haystay.

Mareega Garowe Online oo helay xiriirka Taliska Booliska Soomaaliya iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Axmed Cali Daahir, ayaa u diray codsiyo kala duwan si uu wax uga waydiiyo arrinta Janan. Kama jawaabin dalabka.

Madaxtooyadda Jubbaland ayaa Villa Soomaaliya lasoo sameysay xiriiro dhowr ah si ay fahfaahin dheeraad ah uga heshay sababta lagu haysto Janan, oo kamid ah wasiiradda ugu muhiimsan dowlad goboleedkaas.

Odayaal ka socda Beesha Janan ayaa dhowr jeer tegay Madaxtooyadda Qaranka ee Muqdisho, iyaga oo doonaya in ay qaboojiyaan xiisadda isla markaana ay xorriyadiisa u soo celiyaan Wasiirka xiran.

"Xarig siyaasadeysan"

Injineer Cabdi Xuseen, wasiirka warfaafinta Jubbaland, ayaa warbaahinta u sheegay in xariga Janan uu yahay mid siyaasadeysan, wuxuuna ka digay cawaaqib-xumo ka timaada.

Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland, ayaa sheegay in Janan lagu haysto "burburi Jubbaland" soo jeedintaasi oo ka timid dowladda Farmaajo, "balse uu ka diiday".

Warar xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in xukuumadda federaalka ay shuruud uga dhigtay sii deynta Wasiir Janan dhowr arrimood oo ay kamid tahay in dib loogu laabto doorashadda Jubbaland ee qabsoontay 22-kii August.

Dhowr illo wareed ayaa GO u dusiyey in Wakiiladda Beesha Caalamka ay bilaabeen waan-waan ay ku kala dhex-gelayaan Jubbaland iyo dowladda federaalka, isku daygaas oo natiijadiisa aysan wali kala caddeyn.

Talaabooyinka dowladda kadib xariga Janan

Kadib qabashadda Janan, mas'uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan maamulka Kismaayo ayaa "lagu cusriyeyadeeyay looguna hanjabaday" madaarka Aadan Cadde, talaabadaas oo qayb ka ah cadaadiska dowladda saareyso Jubbaland.

Xayiraad dhanka socdaalka ah taasoo sii xumeysay xaaladaha bini'aadanimo ee ka jira degaanadda Jubbaland ayay kusoo rogtay Kismaayo xili Axmed Madoobe uu ka digay sii socoshahada "go'doominta maamulkiisa".

Go’aankan ayaa la sheegay in ujeedkiisu ahaa baajinta caleema saarka Axmed Madoobe loo qorsheeyay 26-ka September balse ay dib uga dhacday.

Madaxweynihii 7aad ee dalka, Sheekh Shariif Axmed, ayaa laga hor-istaagay in uu u socdaalo Kismaayo si uu kaga qeybgalo munaasabadaas. Talaabadan ayaa aad loo cambaareeyay waxaana lagu sifeeyay "xadgudub dastuuri ah".

Xisbiyo iyo siyaasiyiin ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay "hub siyaasadeed u adeegsaneyso" maamulka hawada dalka, waxayna ku tartarsiiyeen in ay ka baaqsato "falalka dhaawacaya midnimadda Umadda".

Warbixinadda kale ayaa qeexaya in dowladda federaalka ay qaar kamid ah mas'uuliyiinta ugu sareysa Jubbaland oo ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano, waxay kala laabatay Baasaboorada diblumaasiga.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, Iimaan Cadow Karshe oo Muqdisho ugu sugan howlo caafimaad iyo shaqooyin, ayaa laga celiyay garoonka, isaga oo loo diiday in uu ka dhoofo Shilinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM