Xarumo ganacsi oo 'amarka' Al-Shabaab looga furay CCTV-yada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ganacsatada magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa si guud u dhaqan-geliyey amar kale oo kasoo baxay Al-Shabaab, talaabo dharbaaxo ku ah dowlada federaalka ah.

Sidda ay xaqiijiyeen baayac-mushtarleyda oo diiday in magacooda iyo muuqaalkoooda la adeegsado, amarkaasi ayaa ah in ay ka furaan mehradahooda kaamirooyinka qaarsoon - CCTV - gaar ahaan kuwa dibada ku deganaa.

Sababta ay u fuliyeen ayay ku tilmaameen baqdin ku aadan nafsadooda, inkasta oo ay carabka ku adkeeyeen in ay kalsooni ku qabaan dowlada, hadana ay ka fursan waayeen talaabadaasi.

Sidda lagu ogaaday baaritaan qoto dheer, inta badan goobaha ganacsi ee amarkaasi fuliyay ayaa u badan huteelo, bangiyo iyo mehradaha loo tukaameysi tago.

Xuseen Sheekh Cali, madaxa Machadka arrimaha amniga ka faalooda ee Hiraal, ayaa shaaca ka qaaday in amarkaan ay hirgalkiisa ku qaaatay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida muddo laba sano ah.

"Al-Shabaab amaro qarsoon oo aysan dowladu ogeyn ayay ka fulisaa Muqdisho, waxayna beegsataa dadka ay u aragto in ay qaadanayaan," ayuu Xuseen u sheegay TV-ga Universal.

Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka oo la su'aalay waxa la gudboon dowlada mar hadiiba uu fulay amarkaasi ayaa farta ku fiiqay in talaabada dowlada looga fadhiyo ay tahay "amar ay awood la socoto".

"Dowlada waxaa u furan in ay talaabo qaado … kaliya ma ahan talaabo qaadis, waa in ay la socotaa awood fulineed iyo in ay abuurto jawi aysan dadka uga baqayn Al-Shabaab," ayuu hadalkiisa ku daray.

Hay'addaha amaanka Soomaaliya oo la isku dayey in wax laga waydiiyo sheekadaan ayaa garabka ku dhuftay inkasta oo ay ku adkeysteen in ay baarayaan "xaqiiqada warkaan".

Hasayeeshee, mas'uuliyiin ka tirsan xukuumada haatan jirta ayaa horey u qiray in kooxda Al-Shabaab ay ka qaado qaar kamid ah ganacsatada Muqdisho lacago baad ah balse ay ugu yeerto Zakawaad.

Intaasi waxaa wehlisa, shaqsiyaad u cadaalad doonta Al-Shabaab iyaga oo ka tegaya magaalooyin ay kamid tahay Muqdisho wallow hay’addaha nabad-gelyada ay ka digeen arrimahaasi, wacadna ku mareen in ay la tacaali doonan.

Goobaha ganacsiga ee Muqdisho ayaa u adeegsada CCTV si ay ugu ilaashadaan hantidooda, arrin muujineysa horumar laga sameeyay dhinaca tiknoolajiyadda.

Sikastaba ha ahaatee, in qaar kamida xarumaha ganacsi ay fureen Kaamirooyinka qarsoon ee sahli jiray in lasoo qabto xubnaha geysta falalka lidiga ku ah amaanka ayaa waji cusub u yeelaysa saameynta Al-Shabaab ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM