Xasan Cali Khayre oo Dooxa kula kulmay dhiggiisa Qatar

Image
Image

DOOXA, Qadar - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay dhiggiisa dowladda Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Ra’iisul wasaaraha Qatar, ahna wasiirka arrimaha gudaha, oo bogaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dib-u-habeynta, ayaa sheegay in dowladda Qatar ay ka go’antahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Khayre la qaatay dhiggiisa Qatar ayaa qayb ka ah kulamo doceedyada uu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay furitaanka Madasha 19aad ee Dooxa ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM