Xasan Sheekh: DF waxay hub ahaan u isticmaaleysaa maamulka hawadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu si dadbadan uga hadlay go'doominta dhanka hawadda oo ay Villa Soomaaliya gelisay Kismaayo.

Xukuumadda Federaalka ah ayaa ku amartay diyaaradaha tegaya caasimada ku meel gaarka Jubbaland in ay soo maraan Muqdisho si loo hubiyo iyo in ay soo codsadaan duulimaadkooda 24-saac kahor.

Hadalka hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa yimid markii Shilinka Aadan Cadde, Axadda maanta ah, looga hor-istaagey Sheekh Shariif Axmed in uu u dhoofo magaaladaas dekadda leh.

Shariif, hogaamiyihii 7aad ee dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika, oo la socday Turkish Airlines, ayaa kamid ah martida ka qeybgaleysa caleema saarka Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Xasan Sheekh oo qoraal ku qoran luqadda English-ka soo dhigay barahihiisa bulshada ayaa ku bilaabay hadalka: "Soomaaliya waxay ku dhowaad 30-sano sugeysay in ay la wareegto maamulka hawadeeda".

Xasan Sheekh oo qoraal ku qoran luqadda English-ka soo dhigay barahihiisa bulshada ayaa ku bilaabay hadalka: "Soomaaliya waxay ku dhowaad 30-sano sugeysay in ay la wareegto maamulka hawadeeda".

Wuxuu intaasi ku daray: "Waa xaalad murugo ah in dowladda ay hub-siyaasadeed ahaan u isticmaaleyso maamulada hawadda taasoo khatar gelin karta xasiloonida siayasadeed iyo midnimadda waddanka".

"Waxaan kula talinayaa dowladda in ay mar labaad ka fekerto ayna ka noqoto go’aankeeda xaalada taagan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan waxa aysan fahfaahin buuxda ka bixin sababaha keenay is hor-taaga ay ku sameysay diyaaradii Sheekh Shariif u qaadi lahayd magaaladda Kismaayo.

Sikastaba ha ahaatee, xiriirka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya ayaa xumaa bilihii lasoo dhaafay, inkasta oo Beesha Caalamka wado dedaalo ay isugu soo dhaweyneyso labadda dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM