​Xasan Sheekh oo si cajiib ah xilkii ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, kadib xaflad cajiib ah oo loo qabtay.

Mas'uuliyiin kala duwan oo katirsan labada gole ee dowladda iyo qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ayaa kasoo qayb galay munsaabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha cusub ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada dowladda Federaalka Somalia, halka mid sagootin ah loo sameeyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, Madaxweynaha cusub ayaa lasoo kala tusay qaybaha kala duwan ee Villa Somalia, halkaasoo qayb kamid ah ku kaydsanyihiin bilado, shahaado sharafyo kala duwan oo ay leedahay dowladda Somalia iyo waxyaabo kale oo taariikhi ah.

Xafladdan xil-wareejinta ayaa ka duwan kuwii hore, waxaana ka muuqatay in hab maamuuseed sare loo sameyay mudane Farmaajo.

Madaxweynihii hore Somalia, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa xil-wareejinta ka sheegay inuu la shaqayn doono Madaxweynaha cusub isagoo sidoo kale kawaramay dowladdiisa waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ay qabatay.

Halka Madaxweynaha cusub uu sheegay inuu ka dhabayn doono dhammaan ballanqaadkii uu u sameeyay shacabkiisa.

Xasan Sheekh ayaa sidaas maanta uga guuray Villa Somalia oo kasoo talinayay muddo 4 sano ah, isagoo tagay hooy looga diyaariyay magaalada Muqdishu

Balse, Mudane Farmaajo ayaa maanta usoo guuray isagoo afarta sano ee soo socota katalinaya dalka Somalia.

Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay ku sugnaa Hotel Jazera halkaasoo ku qaabilay madax kala duwan.

Waxaa la filayaa inuu guda galo hannaankiisa shaqo oo ay ugu soo horayso dhismaha xukuumadda gaar ahaan Ra'isal wasaaraha.

Balse 22 bishan ayaa loo qaban doona xaflad caleemo saar ah oo ay kasoo qayb gali doonaan madax kala duwan oo Somalia iyo ajaanib isugu jirta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM