Xasan Shiikh: Jubbland KMG waa ay ka gudubtay

Image

Sept 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka dalbaday maamulka Jubbaland in waan waan iyo wadahadal lagu xaliyo tabashooyinka ka jira dhismaha maamulka.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in marka dowladda la dhisayo ay imaanayaan tabasho, wuxuuna ku booriyey qaybaha kala  duwan ee maamulka iyo bulshada Jubbaland in si hoose loo dhammeeyo khilaafaadka taagan 

Madaxwayne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in Jubbaland ay ka baxday kumeel gaar haatana tahay xukuumad dhamaystiran, isla markaana sheegay inay soo dhawaynayaa shirka heshiisiinta beelaha Somalia inay Jubbland qabato.

Mudane Xasan Shiikh ayaa ku celceliyey in Jubbaland Somali oo dhan ka dhexeyso tasoo khasabtey in arrimiheeda laga hadlo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM