Booqashada Xasan Shiikh ee Dhuuso Mareeb iyo siyaasadaha ku wareegsan

Image

DHUUSO MAREEB, April 8, 2015 ( GO)- Madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Shiikh ayaa maanta ka dagey magaalada Dhuuso Mareeb ee gobolka Galguduud, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey madaxda dhaqanka gobollada dhexe, mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo saraakiil ciidan.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaysa xilli uu muran xoogani ka taagan yahay qorshaha maamul u sameynta gobollada dhexe ee Somalia. Kulamo ayaa la filayaa inuu halkaas kula yeesho odayaasha iyo siyaasiyiinta gobolkaas kuwasoo ku muransan halka lagu qaban doono shirweynaha maamul u sameynta gobollada dhexe.

Magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Cadaado ayaa isku haysta qabashada shirweynaha maamul u sameynta maamulka gobolada dhexe, maadaama loo badinayo in magaalada kulankaas lagu qabto noqon karto magaalo madaxda maamulka.

Muran ka dhashay halka lagu qabanyo kulankaas ayaa waxaa uu ka dhaxeyaa qabaa'ilka daga gobolada dhexe iyadoo khilaaf siyaasadeed ee xoogan ka taagan yahay dhexdooda kaasoo saameyn ku yeelan kara dhismaha maamul gobolada dhexe yeeshaan mustaqbalka dhow.

Qabaa'ilka Sacad, Saleebaan ee Habargidir iyo siyaasiyiin uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Shiikh  ayaa sida Garowe Online fahansan yahay dabada ka riixaya in shirweynaha lagu qabto magaalada Cadaado. Sidoo kale Qabaa'ilka kale oo ay hurmuudka u yihiin Cayr iyo Mareexaan ayaa raadinaya in kulankaan lagu qabto magaalada Dhuuso Mareeb.

Madaxweynaha dowlada Somalia ayaa booqashada uu ku yimid Dhuuso Mareeb ku dhawaaqey in magaalo madaxda noqneyso Dhuuso Mareeb halka uu sheegey in magaalada Cadaado lagu qaban doono shirweynaha maamulka loogu sameynayo kulamdaan.

Talaabada madaxweynaha Somalia ku dhawaaqey halka ay noqneyso magaalo madaxda maamulkaan ayaa ah mid siyaasadeed iyadoo dadka qaar sheegayaan in shirweynaha la qabanayo ay aheyd inuu go'aansado halka magaalo madaxda maamulka cusub noqneyso tasoo meesha ka saareysa faragalin ka timaada dowlada dhexe ee Somalia.

Dhowaan ayaa maleeshiyaadka Ahlu-Sunah Wal-Jamaca is-hortaageen ciidamo ka socda wadanka Jabuti kuwaasoo ka tirsan xoogaga AMISOM. Dowlada Somalia ayaa wadatey qorshe ciidamdaas ku tagayaan Dhuuso Mareeb iyo Cadaado balse waxaa cabsi ka muujiyey qabaa'ilka Cayr iyo Mareexaan kuwaasoo u badan ciidamada Ahlu Sunah Wal-Jamaca.

Dhinaca kale wasiirka Gashaandhiga Dowladda Federalka Somalia oo dhowaan  booqasho ku tagey  magaalada Cabuudwaaq ayaa ku guul dareystey inuu beesha Mareexaan ku qanciyo in ay tageeraan qorshaha madaxweynaha Somalia oo ah in shirweynaha maamul u sameynta goboladaas lagu qabto magaalada Cadaado.

Warar kale aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in qabaa'ilka Cayr iyo Mareexaan waydiisteen madaxweynaha Somalia lacago gaaraya malaayiin dollar kuwaasoo ay xuseen iney kaga baxdey qaban-qaabada qabashada shirka magaalada Dhuuso Mareeb.

Siyaasadaha iska soo horjeeda ee khilaafka ka dhex abuurey qabaa'ilka degaankaas wada daga ayaa salka ku haysa sidoo kale qofka madaxweynaha ka noqonaya maamulkaas iyadoo siyaasiyiinta beesha Hawiye kala wataan musharaxiin kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa damacsan in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdikarim Xuseen Guuleed madaxweyne ka noqdo maamulkan cusub, warar kale oo aan la xaqiijin ayaa xusaya in madaxweyihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif dabada ka riixayo Axmed Macalin Fiqi oo horey taliye uga ahaan jirey ciidamada Nabad sugida.

Sidoo kale waxaa loolanka maamul u sameynta gobollada dhexe qayb ka ah siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdi Qaybdiid iyo Axmad Cabdisalaan oo ah safiirka dalka Somalia u fadhiya wadanka Ethiopia.

Herdanka siyaasadeed ee ka socda gobollada dhexe ayaa la rumeysan yahay inuu ku biyo shubanayo doorashooyinka la filayo in 2016 laga qabto dalka Somalia taasoo aysan weli kala cadeyn qaabka loo soo xuli doono Barlamanka Federaalka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM