Xeeladaha Al-Shabaab Cashuuraha Uga Qaado Ganacsatada Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Al-Shabaab ayaa kordhisay Sagaalkii bilood ee u dambeysay canshuurta ama wax ay ugu yeerto Zakada laga qaado ganac-satada, taasi oo ay ka fuliso degaanada gacanteeda ku jira iyo kuwa ay dowladdu maamusho.

Kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacida ayaa lacagta waxay ka qaadaan; Gaadiidka isaga kala goosha gobolada dalka, xarumaha ganacsiga, sida Hoteelada iyo dhowr meelood oo kale.

Lacagaha ay Al-Shabaab qaado waxay isugu jiraan; Canshuur, Zako iyo Zakaatul Maal, taasi oo marka laga hadlo cadadka lacagaha aad uga kala duwan heerarka ay kaga qaadato shaqsiyaadka ay beegsato.

Hadaba, Barnaamij-ka Galka Baarista ee ka baxa idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga oo si toos ah ula hadlay saddex ruux oo lacago siiya Shabaab ayaa ka sheekeeyay qaabka ay wax u socdaan.

- Xeeladaha ay adeegsato -

Marka laga soo tago goobaha maamlkooda ku hoos-jira halkaasi oo ay awood u leeyihiin inay qaadaan, hadana Al-Shabaab ayaa meelaha ay ka qaado lacagtani waxaa kamid ah Muqdisho oo ay ku jiraan degaano 3 ama 4 KM u jira aqalka looga taliyo Soomaaliya ee Madaxtooyadda.

Sida laga soo xigtay Barnaamij-ka Galka Baarista, Xoogaga Al-Shabaab ka hor inta aysan ku dhaqaaqin qaadista lacagta waxay kulamo isugu yeeraan ganac-satadda isku howsha ah, iyaga oo mid madax uga dhiga lacagta loogu dhiibo.

Meelaha ugu caansan oo ay ku kulmiyaan lacagahaan waxaa kamid ah; Bariire, Gamboole, Tooratoorow, Aw-dheegle iyo degaano iyo degmooyin kale, kuwaasi oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

"Ma jiro gaari ka baxa Muqdisho, ha sido shixnad noocay doonto ha noqoto, iyadda oo aysan Al-Shabaab ka qaadan lacagta canshuurta ah, waxaana looga jarayaa marka uu kasoo baxayo suuqa Bakaaraha oo ay wakiilo u kala joogaan," ayuu yiri qof kamid ah Ragga ay kooxda canshuurta ka qaado kooxdaan, oo magaciisa ka gaabsaday.

Tusaale ahaan, Shabaab ganac-satada ka baayac-mushtarta Shidaal oo ay halkii Foosto ku canshuurto 2.5$, waxay u sameynayaan qof madax ah, meel walba oo uu ka joogo dalka. Lacagta ay ku dhaceyso Akoon ama shaqsi ay kooxda ka war-hayso, waxaana looga qaadayaa kuwa aadaya gobolada dalka suuqa wayn ee Bakaaraha.

Taliyahii hore ee Hay'adda Nabad-sugida Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa u sheegay Barnaamij-ka in xeeladaha ay Al-Shabaab ku qaadayso cashuurta ay kamid tahay inay u caga-jugleeyaan ganacsatada, islamarkaana hadii uu bixin waayo nolasha la dhaafin doono.

Tuuryare oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in farsamooyinka kale oo ay kooxda isticmaasho ay kamid tahay inay qof walba u diraan mid kale oo ay isku reer yihiin ama xog ogaal u ah shaqooyinka u hayo, taasi oo xusay inay ku riixayso ruuxa kale inuu bixiyo lacagta.

"Waxay kasoo wacayaan telaafoon uusan qofku garaneynin. Akhbaartiisa oo dhan iyo waxa uu ka ganacsado markay u sheegaan, waxay dusha u saarayaan lacago go'an oo canshuur ah, taasi oo ay ku amrayaan inuu bixiyo, iyo inaanu qof kale ku war-gelin. Hadii uu qof kalena ogaadana uu isagu u sheegay. Tan kale hadii uu diido inuu bixiyo waxay ugu hanjabayaan inay dilayaan," ayuu yiri Mr Tuuryare.

Intaas waxaa dheer in Al-Shabaab ay Gaadiidka xamuulka ka qaado 1400 oo dollar-ka Mareykanka ah - 500 oo Gaariga ah iyo 900 oo canshuurta ah, sida uu shaaciyay qof kale oo kamid ahaa dadka Baabuurta shidaalka ee ka baxda Muqdisho, geysana gobolada dalka.

Qof kale oo isna magaciisa u qariyay sababo amni, ayaa afka ku balaariyay, in canshuurta Zakaatul Maalka ay Shabaab 1,000-kii dollar ku canshuurto 25 dollar, taasi oo ay ka qaadaan qaybo badan oo gobolada dalka ah.

"Waxay ku leeyihiin 'Shaqo ayaa lagu jiraa ee shaqadaasi wax ku kalmee'," ayuu yiri ganac-sade kale oo saddexaad, kaasi oo ka hadlayey inay Al-Shabaab kusoo rogaan mararka qaarkood ganacsade inuu bixiyo lacago badan, iyaga oo halbeeg uga dhigaya hantida uu haysto qofkaasi.

- Maxay sababta? -

Dadka ka faalooda sida ay isku maal-geliso Al-Shabaab sida Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya, Cabdi Xakiin Xaaji Daa'uud [Fiqi], waxay aaminsan yihiin in tani ay ka dambeysay markii hoos u dhac uu ku yimid dhaqaalaha kooxda, oo kolka hore ku tiirsaneyd kaalmo dibada ah.

Urur-waynaha Al-Qaacida, Burcad-badeeda iyo ka ganacsiga Dhuxusha ayaa ahaa meelaha ugu waawayn oo ay kooxdu ka heli jirta dhaqaalaha ay isku maal-geliso, balse dhamanatooda way kasoo xirmeen haatan, sida laga soo xigtay dadka u dhuun daloola arrimaha Shabaab.

"AlShabaab markii hore taageerada maaliyadeed waxay ka heli jirtay Ururo argagaxiso, dalal taageera laakiin markii ay waayeen waxay kusoo jeesteen dadka iyaga oo adeegsanaya argagaxin. Marka Shacabka way ku qasban yihiin inay madax furasho ahaan u bixiyaan, sababta oo ah waxaa loogu handadayaan in la waxyeelanayo isaga ama qoyskiisa," ayuu yiri Fiqi.

- Ganac-satada naqdisa maxay wajahaan? -

Saddex ruux ee la hadashay Barnaamij-ka waxay si wadajir ah ay u sheegeen inay Al-Shabaab xir-xirtay dhowr iyaga lamid ah, kuwaasi oo ku adkeystay in-aanu bixin karin lacagaha la dul-dhigay.

Qaarkood ayey sheegeen in lagu xiray sil-silado lana fadhiisiyey Geed-hoostiisa mudo saacado ah. Kuwa kale ayaa la socod-siiyaa iyaga oo xiran, taasi oo ay sabab u tahay diyaaradaha Drones-ka ee Mareykanka iyo Aag beladasho ay kooxda sameyneyso.

Barnmaajika Gal-baariska ayaa xaqiijiyay inay jiraan ganac-sato ka dhaga fureystay dalabyadda Shabaab ee ku wajahan bixinta qarashaadka, kuwaasi oo lagu dhex-toogtay goobahooda ganacsi iyo daafaha magaalooyinka ay ka joogaan dalka.

- Kala shakiga Shabaab iyo ganac-satadda -

Kala shaki baa jira oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ganac-satada. Tuhunka wuxuu salka ku hayaan hantida uu leeyahay qofka, taasi oo ay kooxdu ku xukmiso sida ay iyadda doonto, maadaama aysan aaminaynin.

Tusaale ahaan, qofkii u sheega inuu leeyahay hanti 10-kun oo Dollar gaareysa waxay ku xukmiyaan inuu haysto Hanti farabadan, taasi oo dhalineysa inay saaraan cadad badan oo lacag.

Tani waxay dhalisaa in marka ganac-satada lagu soo rogo lacag ka badan inta ay haystaan, oo bixin waayaan, markaas oo kooxdu go'aan ku gaarto inay xirto, xili ay jiraan kuwa wax ka badan Shan sano la xukumo.

"Nasiib ayaad leedahay hadii xorriyadda oo kaliya lagaa qaado, sababta oo ah qofkii diida nolasha ayey dhaafiyaan," ayuu yiri qof kale oo kamid ah ganac-satadda lacagata siiya dagaalamayaasha Al-Shabaab.

- Ganacsatada iyo dowlada Soomaaliya -

Taliye Tuuryare ayaa xaqiijiyay inay jiraan ganac-sato uu sheegay inay "garow-sadaan" lacagaha ay siinayaan inay yihiin kuwa "baad ah" oo "lagu laynayo" dadka waxayna marar qaarkood u yimaadaan dowladda si wax loogala qabto dhibaatadda haysata.

Barnaamij-ka Galka Baarista wuxuu shaaca ka qaaday in mid kamid ah ganac-satada u tagtay dowladda ku jiraan shaqsiyaad markii uu kasoo laabteen kulan ay Al-Shabaab isugu yeertay saacado kadib u tegay dowladda oo dhibta haysata u sheegtay.

"Way jiraan, kuwa garowshiyo Dineed ay keentay, kuwa Dadnimo leh iyo kuwa kale oo rumeysan inay baad tahay oo dadkooda lagu laynayo, marka waxaan siinay Talooyin," ayuu yiri Taliyihii hore ee hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya, Mr Tuuryare.

- Lacagta ay Shabaab urursatay sanadkii hore -

Xuseen Macalin Maxamuud, oo madax ka ah machadka Hiraale, oo arrimaha amniga ka faalooda, kaasi oo warbixin kasoo saarey canshuurta ay Shabaab qaadato, wuxuu tibaaxay in kooxda ay gacanta ku dhigtay sanadkii hore aduun dhan 27 milyan oo Dollar.

"Inaga warbixinteena waxaan ku saleynay guud ahaan meelaha aan gaari karno," ayuu yiri Maxamuud.

"Ciqaabtooda waa dil. Marka qofka ma diidi karo inuu bixiyo lacagta lagu soo rogay. Qof aadan garaneynin meesha uu kaaga imaanayo, ma Maasjidka ayuu kuugu dhex-dili doonaa, ma goobtaadi ganacsi, ma Jamaacada aad dhigato? Marka sidaas ayey ugu suuragashaa inay ku helaan lacago aan xad lahayn meelo aysan ka talin," ayuu ku sharaxay xuseen macalin oo ka hadlaya sida Al-shabaab lacagta uga qaado ganacsatada ku nool degaanada ciidamada dowlada iyo AMISOM ka arimiyaan.

- Muxuu yahay xalku? -

Taliyihii hore ee NISA, Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa soo jeediyey in si wax looga qabto dhaqaalo urursiga Al-Shabaab ay dowladda la wareegto kaararka Telafoonada lana sameeyo Aqoonsiyo, kuwaasi oo uu xusay inay wax badan ka tareyso arinkaan.

Al-Shabaab waxaa laga saarey Muqdisho sanadkii 2011-kii. Intaas wixii ka dambeeyay waxaa lagala wareegay magaalooyin kale oo muhiim u ahaa dhaqaalahooda, sida Baraawe iyo Kismaayo. Dowladda hadda jirta ee Soomaaliya waxay sheegtay inay dhiseyso ciidamada amniga guud ahaan ee dalka kala wareegay AMISOM sanadka 2022.

Su'aashu is-waydiinta mudan waxay tahay goorma ayey dowladdu ka hortageysaa ama ugu yaraan ay carqadaleyn doontaa lacagaga baada ah oo ay Al-Shabaab ka urursaneyso magaalooyinka ay ka arrmiso, kuwaasi oo laga yaabo in loo adeegsado qaraxyada ka dhaca Muqdisho iyo meelaha kale ee dalka, oo qaarkood laga yaabo inay fuliyaan caruur ay dhaleen ganac-satada bixisa cashuurtaan?


Xogtaan Garowe Online waxaa uu kasoo xigtey Barnaamijka Galka Baarista ee Wariye Haruun Macruuf " VOA" waxaana iska leh xuquuqda qorista Warsidahaan.

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM