Xeeladaha Al-Shabaab ee Qaraxyada Baabuurta iyo sida looga hortegi karo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa bedashay farsamooyinka ay u adeegsato marka ay miineyneyso baabuurta, sida laga soo xigtay xubno horey uga tirsanaa kooxda, kuwaasi oo sheegaya in kooxda ay soo kordhisay xeelado cusub.

Maxamed Aadan Xasan [Sandheere] oo horey uga tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo wareysi siiyay Barnaamijka Galka Baarista ee Idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka sheekeeyay naqshada cusub.

Sandheere ayaa daboolka ka qaaday in Shabaab marka hore ay ka taxadiraan Darawalka gaariga iyo inuu gayn karo meesha loogu talagalay, si taasi loo helo waxay uga sameeyaan difaac afka hore ee gaariga.

Dagaalamahaan hore, waxa uu carabka ku dhuftay in Al-Shabaab ay gaariga ka miineyso qaybta hoose ee Gaariga iyo dhinacyadiisa, halkaasi oo aysan inta badan arkin ciidamada joogta baraha kontarooladda.

“Aniga ayaa soo tijaabiyay oo qayb ka ahaa dadkii soo hindisay qorshahaashi,” ayuu yiri Maxamed Sandheere.

- Sida looga hortegi karo -

Sida laga soo xigtay agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugida Soomaaliya, Sanbaloolshe oo isla barnaamijkaan la hadlay wuxuu sheegay in qaabka ugu wanagasan ee looga hortegi karo ay tahay kordhinta Kontaroolada.

Sanbaloolshe ayaa qaba fekerada ah in loo baahan yahay qalab casri ah oo soo bandhigaya waxa ku dhexjira baabuurta, isaga oo hadalkiisa raaciyay inay muhiim tahay in loo tababaro ciidamo gaar ah oo wata Eeyaha wax uriya.

Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya ayaa si lamid ah wuxuu soo jeediyay in sarre loo qaaday islaxisaabta iyo howlgallada ciidamada ee gudaha magaalada.

“Dadka wax qabtay in la abaalmariyo,” ayuu ku daray Sanbaloolshe, oo hadalkiisa raaciyay in degmooyinka caasimada ku yaala ay tahay in la geeyo ciidamo abaabulan oo gawaarida lagu soo xiray walxaha qarxa halkaasi uga hortaga.

- Qaladaad wali ka jira Koontaroolada -

Muqdisho waxay leedahay labo Koontarool oo kala ah Siinka Dheer iyo midka Balcad, kuwaasi oo ku kala yaala Koonfur Bari iyo Koonfur Galbeed, waxaana wali ka jira qaladaad keenay dhimashada dad badan.

Qaladaadkaasi waxaa kamid ah inaanu yaalin qalab casri ah oo sheegtay in gaariga uu miineysan yahay iyo Gadiidka qaarkood kagu sii daayo Damiin, sida uu qiray Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi.

“Dowladda waa ay ka baaqsan wayday Damiinta,” ayuu ku dooday Gudoomiye Cabdullaahi oo rumeysan in hay’addaha amniga Soomaaliya ay korayaan, islamarkaana qaladaadkooda ka baranayaan cashar.

Gaarigii fuliyay weerarkii Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 500 ruux oo shacab ah, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad Kun qof, waxaa lagu soo daayey Damiin, xili ay jiraan kuwa kale oo aan soo shaac-bixin.

- Qalabka casriga ah -

Barnaamijka Galka Baarista wuxuu ku waramayaa in Kontaroolka ugu wayn ee Muqdisho dhinaca Koonfur Galbeed kasoo gala oo ah Siinka Dheer ay yaaliin qalab, balse aanu ahayn midkii loo baahnaa.

Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi, waa gudoomiyaha degmada Kaxda, oo ay ku taalo Siinka Dheer, waxa uu qiray in Kontaroolka aysan yaalin qalab ku filan, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in lasoo dhameystiro.

Xukuumada haatan jirta waxay mar kasta ku cel-celisaa inay amniga wax badan ay ka qabaneyso xili miisaaniyadda dowladda sanad kasta ay safka horey kaga jiro mawduucaasi, laakiin ma aysan ku guuleysan inay soo iibso qalabkaasi.

Cadad ahaan ma ahan mid lacag badan jooga qalabkaasi oo ay ku badbaadin karto dowladda shacabka, waxaana khuburada ku xeel-dheer ay sheegayaan in lagu iibiyo suuqyadda Tobanaan kun oo Dollar.

- Balan-qaad -

Maalmo kadib markii la doortay Madaxwayne Farmaajo bishii Febraayo qarax ka dhacay xaafada Kaawa-goday ee Muqdisho, kaasi oo dhimasho badan keenay, isaga oo booqday Isbitaal wuxuu sameeyay balanqaad aanan la ogayn in la fuliya.

"Cidii soo sheegta gaariga walxo qarxa lagu soo xiray dowladda waxay siin doontaa 100-kun oo Dollar," ayuu yiri Farmaajo, oo waqtigiisa xafiiska joogay maalmo, balse ay haatan kasoo wareegtay ku dhawaad labo sano.

 GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM