Xil la wareegida ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo la duray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sharci darro iyo dastuur jebin wuxuu ku qeexay xil la wareegida ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Fariin muuqaal ah oo uu soo duubay ayuu ku eedeeyay madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Farmaajo in uu ka dambeeyo dastuur jebintaas.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa tibaaxay in ra'iisul wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre, uu qayb ka ahaa "sharci ku tumashadaas".

Warsame oo asbuucii hore la kulmay ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa aaminsan in eryida Khayre ay waaya-aragnimo u tahay siyaasiyiinta mar walba ku dhiirata in ay daacad u noqdana hogaamiyeyaasha.

Sidda laga soo xigtay Warsame, ra'iisul wasaarihii hore Khayre wuxuu codsaday in uu xilka wareejiyo, balse waa lagu gacan-seyray dalabkaas.

"Waxaase wax lagu cimri-qaato mudan in ra'iisul wasaaraha xilka laga tuuray uu qayb ka ahaa sharci-jebintaas iyo dastuur ku tumashadaas, asagoo ku dhisay siyaasadiisa in isaga iyo madaxweynaha ay yihiin laba qofood oo shirko ah oo aysan ahayn laba xafiis ama laba hay’adood oo laanta fulinta kawada tirsan aan ahayn. Caaqibada ay leedahay, markaad ku shaqeyso in aad qof daacad u tahay ama hay’addaha dowladeed daacad u tahay farqiga u dhaxeeya natiijadeeda maanta ayaan u taaganahay," ayuu carabka ku adkeeyay.

Khayre ayuu ku eedeeyay in uu ka aamusnaa dhiibidii Qalbi-dhagax, weerarkii xarunta xisbiga Wadajir, xil ka qaadistii gudoomiye Jawaari, xayiraadii madaxweyneyaashii hore iyo cunaqabateyntii Kismaayo.

Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo ayuu ku dhaleeceeyay qaabka uu uga qeybgalay ugana jawaabay waydiimaha lagu hor-dhigay dood furan oo xalay Muqdisho lagu qabtay si gaara in uu "ka dhuuntay su'aalo taagan".

"Waa ayaan-darro weyn in madaxweynaha markii ugu horeysay oo shacabka uu la galo dood-furan uu ka dhuuntay isagoo taagan," ayuu yiri. "Waa taa sababta shacabka ugu baahan yihiin in ay kala bartaan siyaasiyiintooda".

Doodaas uu soo agaasimay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee RAAS waxaa lagu dhex-qabtay Villa Soomaaliya, iyaddoo madaxweynaha uu su'aallo muhiim ah uga jawaabay "ma garanayo, waydiiyaa hay'addaas ama shaqsi ebel".

Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu gabaabsiga ka yahay ayaa inta badan dadweynaha kula hadli jiray marka ay dhacdooyinka waaweyn jiraan muuqaalo lasoo jarjaray, isagoo ka fogaadey in uu warbaahinta xorta ah u waramo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM