Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo dalbaday baaris madaxbanaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdullahi Maxamed Nuur, oo kamid ah Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo bayaan kasoo saarey Rasaas lagu furay gaari uu la socday 23-kii bishan May, taasoo ka dhacday Muqdisho.

Qoraalka uu soo saarey Xilldhibaanka oo la tilmaamay inuu ku socdo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo waliba Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa faah-faahin dheeraad ah looga bixiyay sida uu shilku ku dhacay.

Waxaa lagu sheegay warka in Askari ka tirsanaa ciidanka Nabad-sugida Soomaaliya uu Rasaasta kusoo furay Baabuurkiisa, ka hor inta uusan xaqiijin inuu yahay Mudane ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, xili uu ku sugnaa mid kamid ah Kontaroolada Muqdisho.

Xilldhibaan Nuur ayaa wuxuu ku sheegay falkaan lagula kacay mid soo noq-noqday, islamarkaana la doonayo in lagu khaarijiyo isaga, sidaas darteeda wuxuu ka dalbaday Gudoonka Golaha Shacabka inuu qaado Talaabo deg deg ah oo ku saabsan arrintaan.

“Mudane Gudoomiye, sidaan oo kale waxaan horey kuugu soo war-geliyay ficilo noocaan ah oo aan la kulmay, kuwaasoo dhamaantooda halis ku ah amaankeyga, sidaas darteeda waxaan ka codsanayaa inaad qaado talaabooyin ku saabsan arrintaan.

“Waxaan doonayaa in baaritaano madax banaan oo aan uga gun-gaareyno waxa uu salka ku hayo sababta loo beegsanayo Xilldhibaanada Qaranka ayaa sidoo kale kaa codsanayaa inaad ku sameyso Kiiskaas,” ayuu lagu yiri qoraalka.

Dalabka Xildhibaanka Wasaaradda amniga ayaa shalay soo saartey qoraalk ay ku sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto dhacdadan, oo u muuqata mid culeys saarayso Xukuumadda. [Halkan ka akhro Warka].

Ugu dambeyn, Xilldhibaan Nuur ayaa wuxuu rajeeyay in codsiga uu ugudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu dhaqan-gelin doono, islamarkaana uu talaabooyin deg deg ah ka qaadi doonan Kiiskaan.

WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM