Xildhibaan iska casiley guddiga doorashada Madaxweynaha Somalia

Image

MUQDIDHU, Somalia- Waxaa is casilay Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag gudoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada madaxweynaha, qoraal uu u gudbiyay guddiga doorashada waxaa uu sheegay in uu isu casilay si aan looga shakin shaqada guddiga doorashada madaxweynaha.

Fartaag waxaa uu sheegay in uu si shakhsi ah uga qaybgalay xaflad lagu taageerayay madaxweynaha mushraxa ah Xasan shiikh, maadaama musharixiin badan arintaasi ku dhaliileena uu gartay in uu is casilo si aan kalsoonida guddiga tuhun loogelin.

Shalay ayaa musharixiinta madaxweynaha qaar ka mid ah ku baaqeen in uu  Fartaag is casilo maadaama uu dhexdhexaadnimadii guddiga jebiyay

Wariye: Jamac Deprani 

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM