Xildhibaan ka hadlay sababta Farmaajo aanu u saxiixi karin Xukunnada Dilka ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilldhibaan Axmed Xaaji Maxamed, oo kamid ah xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Madaxwayne Farmajo inuu saxiixo dembiiliyaasha ay maxkamadaha dalka dilalka ku xukumeen.

Xafiiska Madaxwaynaha ayuu Mudanaha tibaaxay inay yaaliin dhowr xukuno oo dil ah, kuwaasoo ay usoo gudbisay Maxkamadda, islamarkaana qaarkood lagu eedaynayo inay ka tirsan yihiin kooxda gacan saarka la leh Shabakadda Al-Qaacidda ee Al-Shabaab.

Passport-ka wadanka Mareykanka oo uu haysto Madaxwayne Farmaajo ayuu cod dheer ku qeexay Sharci-dejiyaha inay sabab u tahay inuu ka gaabiyo, maadaama qaar kamid ah dowladaha caalamka aanan laga ogolayn in la fuliyo xukuno ah.

Dambiilayaal kala duwan oo ay maxkamadu ku xukuntay dil toogaso ah, kuwaasoo geystay falal ay waxyeelo ugu geysteen Rayidka, Darawalada Bajaajleyda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu daboolka ka qaaday Xilldhibaanka inay ehelkooda sugayaan cadaaladda.

"Madaxwaynaha sharafta leh waxaan ka codsaneynaa inuu dedajiyo saxiixida xukunada dilka toogashada ah oo ay maxkamadu xukuntay. Qisaasta waa nolal, diinta ayaana qabta, ma ahan in Passport aad bariba helayso ku bedalato," ayuu yiri Xilldhibaanka.

Hadalka mudanaha ayaa kusoo beegmayaa xili Isgoyska Digfeer ee magaalada Muqdisho ay u dhimatay Gabar Ardayad ahayd oo 9-sano jirtay, rasaas la sheegay inuu furey Askari ka tirsan Milatariga Soomaaliya, kaasoo aan wali lasoo qaban.

Dadka dilka lagu xukumay ee aan wali lagu fulin waxaa kamid ah Axmed C/llaahi Cabdi [Ceydiid], oo ah Askarigii dilay Wasiirkii howlaha Guud iyo Guriyeynta Xukuumadda Khayre, Marxuum Cabaas Siraaji bishii May 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM