Xildhibaanada cusub ee Galmudug oo wajahaya cabsi-gelin iyo hanjabaad

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Galmudug ayaa wajahaysa caqabado xili ay ku jirto marxalad doorasho, oo lagu dhisayo baarlamaan cusub sidoo kalena loogu diyaar-garoobayo doorashadda Madaxweynaha.

Xildhibaanada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay ayaa isagu jira kuwa ka yimid Ahlu Sunna oo 20 xubnood ah iyo kuwa uu soo xulay gudiga farsamada ee dowladda Federaalka Soomaaliya magacawday.

Musharaxiinta ayaa ku jira loolan ay ku raadinayaan codadka Xildhibaanada, iyadoo Dhuusamareeb ka socdaan kulamo xilli gudiga doorashadda loo jeedinayo inuu faragelin lagu hayo hanaanka doorashadda.

Illo Xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Xildhibaanada la baqdin gelinayo oo lagu wargeliyay inaysan heli doonin kaararka aqoonsiga Xildhibaanimo, hadii ay la kulmaan musharaxiinta madaxa-banaan ee mucaaradka ku ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaa loogu hanjabay Xildhibaanada in aan la siin doonin kaararka aqoonsiga, hadii lagu arko goobaha iyagoo tagaya goobaha ay degan yihiin Musharixiinta dowladda Federaalka mucaaradka ku ah,” ayuu yiri siyaasi ku sugan Dhuusamareeb, oo magaciisa ka gaabsaday.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo in mudo ah lagu eedeynayay inay faragelin qaawan ku hayso arrimaha maamul goboleedyada, ayaa la sheegay inay wadato Musharax lagu magacaabo Qoor-Qoor.

Musharax Maxamed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor], ayaa katirsanaa Xukuumadda uu hogaamiye Ra’iisul Wasaare Khayre, isagoo hayay xilka wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud, kaasoo uu shalay iska-casiley.

Maamulka Ahlu Sunna oo saameyn ku leh hanaanka maamul dhisida Galmudug, ayaa isha ku haya kursiga gudoomiyaha baarlamaanka, taasoo hadii ay ku guuleystaan siinaysa fursad ay galaan-gal ugu yeelan karaan doorashadda Madaxweynaha, oo xisbiyada dalka ugu waaweyn iyo DF ku loolamayaan.

Galmudug ayaa wali kala qeybsan, iyadoo Madaxweyne Xaaf uu Gaalkacyo uga dhawaaqay gudi doorasho oo cusub, xili Dhuusamareeb ay ka socoto doorasho ay dowladda Soomaaliya maamulayso.

Dowladda Soomaaliya ayaa December 2018 lagu eedeeyay inay faragelisay doorashaddii Koonfur Galbeed, iyadoo Baydhabo lagu dilay dad shacab ah, sidoo kalena la xiray musharax Madaxweyne.

Dalka ayaa la filayaa inay sanadkaan ka dhacdo doorashado hee qaran ah, iyadoo aan wali la isku raacin nooca ay noqonayso doorashadda baarlamaaniga iyo mida madaxweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM