Xildhibaanno mooshin ka keenay Guddoomiye Jawaari

Image

February 8, 2015 (GO)- Iyadoo lagu wado in Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaarke berri oo Isniin ah xukuumadiisa cusub horkeeno barlamanka si codka kalsoonida loogu qaado, ayaa waxaa qaar kamid ah xildhibaanadu ay mooshin liddi ku ah kasoo gudbiyeen Gudoomiyaha Barlamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xildhibaanada mooshinka ku saxiixan ayaa ku doodaya inaysan ku kalsooneyn shir-guddoominta Jawaari sidaas darteedna ay dalbanayaan inuusan guddoomin fadhiga maalinta berri ah barlamanku yeelanayo ee xukuumada codka kalsoonida loogu qaadayo.

Qodobada mooshinka ku xusan waxaa kamid ah in Gudoomiye Jawaari dhex-dhexaad ka ahayn kala qaybsanaanta ka dhex jirta xildhibaanada islamarkaana la saftay garab kamid ah labada garab ee barlamanka.


Mooshinka ayaa u qornaa sidan:

Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad iyo mudanayaal, annagoo ah xildhibaannada magacyadooda iyo saxeexyadooda uu qoraalkeena ku lifaaqan yahay waxaan afhayeenka golaha shacabka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka keenay mooshin ku kalsoonaan la’aanta shir-guddoonka baarlamaanka ee uu nooga ahaa guddoomiyaha; sababo jiro awgood kuwaasoo ah sidan:-

1. Markaan aragnay in aadan siineynin tixgelin haba yaraatee aragtida Xildhibaanada aad kalsoonidooda kursiga ku fadhido

2. Markaan aragnay inaadan hoos u fiirinayn kala qeybsanaanta siyaasadeed ee ka dhexjirta wakiilada shacabka adiga oo si dhab ah xog-ogaal ugu ah.

3. Markaan darsinay inaad indhaha ka xiratay dhagahana ka fareeysatay in xukuumad loo dhan yahay dalka loo dhiso, sida ay golaha shacabka JFS ka jeediyeen madaxweynaha JFS iyo ra’iisal wasaaruhu u soo magacaabay kolkii kalsoonida golaha looga dalbanaayey si uu u soo dhiso ra’iisal wasaaraha xukuumad wadaag ah.

4. Markaan aragnay inaad la wadaagtay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dhismaha xukuumad aad saddexdiina wadaag ku tihiin, sida aad ka hor qiratay xildhibaannada kud-ladaha kulankii aad la qaadateen guddoonkiina iyadoo ay ku hareer fadhiyaan ku-xigeenka 1-aad iyo kan 2-aad; taasoo aad si bareer ah ugu hor qiratay waliba adigoo kusii adkeystay in haddii ay kalsooni heli weysana aad kusoo celin doonto xubnihii aad la dhisatay adigoo ku dhiirranaaya mudanayaasha hortooda iyo ku-xigeennada taasoo dhakafaar nagu noqotay daneysiga danihiina gaarka ah oo aan ka tujumeyn danta guud iyo maslxada shacabka.

5. Markaan aragnay qodobada qaanuuniga ah sida dastuurka - qoqdobkiisa 65 - farqadiisa saddexaad iyo xeer hoosaadka baarlamaanka - qodobkiisa  sagaalaad - farqadiisa shanaad sababaha iyo awoodaha hay’adaha dowladda adigoo aan dhexdhexaad ka noqonayn iyo sida aad markasta uga milanto adigoon fiirinayn sida danta, dalka iyo diinta ay ku jirto iyo dhowris la’aanta dastuurka iyo xeer hoosaadka baarlamaanka Somalia.

6. Markaan xaqiijinnay ka waantoobid la’aanta danahaaga gaarka ah, ayaan soo jeedintaan (Mooshin) u keenay inaan ku kalsoonaan karin shir-guddoomintii golaha shacabka aan kuu dooranay adigoo ahaa mudane annaga nala mid ah; sidaas daraadeedna maadaama dalka uu maraayo marxalad aad u qalafsan oo mugdi gelinaysa sidii lagu gaari lahaa hiigsiga 2016-dalkana loogu ansixin lahaa xukuumad kasbata kalsoonida xildhibaanada golaha shacabka si ay horay ugu guda gasho howlaha laga sugaayo hey’adda fulinta (Xukuumadda) sidii lagu gaari lahaa hiigsiga 2016-ka; taasoo aysan mudanayaashu ogolaaneyn in ay madaxda Qaranka soo xusheen ciddii danahooda keliya ugu shaqeyn lahayd una fulin lahayd aragti-dooda iyo rabitaankooda kaliya; taasoo ah mid aan si wadajir ah loo wada wajihi karin; shaki weynna galineysa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay dalka iyo dunida dacaladeeda ka joogaan taasoo ay xaq u leeyihiin inay wax ka ogaadaan meesha loo socdo; taasoo ay doonayaan inay dad qaas ah oo kaliya wax og-yihiin ama koox gaara ay wax og-yihiin ama ay danley ku heshiisay.

Sidaas daraadeed kuma kalsoonaan karno shir guddoonka Golaha Shacabka JFS inta lagu jiro xaaladaan qalafsan waa inaad ka degtaa kursiga uga guddoomiyaha baarlamaanka JFS maadaama aad lumisay kalsoonida Xildhibaanada.halka hoose qoraalka oo labo ah ka furo.

*******


Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xildhibaanada barlamanka Dowlada Federaalku wuxuu caqabad ku noqdey habsami u socdka shaqo ee dowladda xilli muddo koobani ka harsan tahay waqtiga dowalda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM